Ergayga QM. u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo kasoo horjeestay go’aankii Baarlmaanka ay mudada ku kordhisteen.

Halkaan ka akhri

Ergayga xoghayaha Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, Augustine Mahiga Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu kaga soo horjeestay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku kordhistay xillligooda shaqo.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay xilligooda shaqo ku kororsaday muddo saddex sano ah, kaddib markii cod loo qaaday ay ansixiyeen 421-mudane, waxaana diiday 11-xildhibaan, halka ay ka aamuseen 3 xildhibaan.

Augustine Mahiga ayaa yiri “Tani waa go’aan laga naxo oo deg-deg lagu gaaray, iyadoo aan laga wadatashan waxyaabihii loo baahnaa, oo ku saleysnaa sida lagu dhammeyn karo xaaladaha kala guurka ah iyo waxyaabaha la qaban doono marka la gaaro bisha August sannadkan,”.

Wada tashiga la wajahayo bisha August kaddib, ayaa waxaa horay u bilaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’isul wasaaraha, balse horey looma sii wadin wada hadaladaasi.

Augustine Mahiga, wuxuu sheegay inuu maanta la kulmay madaxda Midowga Afrika, tan urur goboleedka IGAD, si loo sii ambaqaado natiijada shirkii madaxda ururka goboleedka IGAD ee 31-kii January 2011 ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Mr. Mahiga ayaa yiri “waxaan ku heshiinay in kulan deg deg ah la qabto, kaasoo lagu marti qaadayo hoggaamiyeyaasha dowladda KMG Soomaaliya,  loogana hadlo qaabkii horey loogu socon lahaa, iyadoo la xaqiijinayo nabadda iyo isbedelka Soomaaliya,”.

Sidoo kale Auguine Mahiga waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u qalmaan in ay ku hamiyaan isbedel, taasina waxay masuuliyaddeedu saaran tahay in dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqan geliso isbedelka, iyadoo lala tashanayo dadka ay talada ka go’do ee shacabka Soomaaliyeed matala iyo bulshada caalamka.

Ugug dambeyntii waxaa uu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay: “waan sii wadi doonnaa inaan hogaanka Soomaaliyeed ula shaqeyno si cad iyo is aaminaad labada dhinac,” ayuu yiri, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay ee kasoo horjeesta go’aankii uu baarlamaanka Soomaaliya xilligiisa ku kororsaday.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: