Saraakiil muhiim ah oo xarakada Al-Shabaab xalay uga geeriyootay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Horjooge sare oo xarakada Al-Shabaab u qaabilsanaa, diyaarinta qaraxyada culus ayay xalay isagii ku qarxeen wixii uu diyaariyay, kuwaas uu ku rakibayay gaari waxyaabahaasi ka buuxeen oo qorshuhu ahaa in lagu qarxiyo Magaalada Muqdisho.

Qaasim Shariif oo ahaa Somali-Swidish, isla markaana ahaa, ninkii inta badan Al-Shabaab dhinaca Soomaalida u diyaari jiray qaraxyada culus ayay xalay isaga iyo 3 kale la qarxeen wixii uu doonayay inuu ku laayo Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Qaraxaan oo xalay fiidkii ka dhacay degmada Kaaraan ayaa ahaa mid lagu diyaarinayay gaari Waxyabaaha qarxa laga buuxshay kaasoo loogu talo galay in lagu fuliyo goob ka mid ah degaanada ay ka taliso Dowlada KMG ah.

Warar kala duwan oo laga helay qaar ka mid ah horjoogayaasha Shabaab-ka ayaa sidoo kale xaqiijinaya inay qaraxa ku geeriyoodeen 4 qof oo kale oo midkood ahaa, ninkii la doonayay inuu fuliyo ismiidaaminta, waxaana ku dhaawacmay lix askari oo kale.

Qaraxaasi ayaa wuxuu ka dhacay meel waxyar u jirta saldhigga Degmada Kaaraan oo inta badan maleeshiyad ka tirsan kooxda Shabaab lagu barro sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen falalka is-miidaaminta.

Qaasim Shariif oo ahaa horjoogihii u qaabilsanaa kooxda Shabaab dhinaca diyaarinta walxaha qarxa ayaa ka yimid wadanka Sweden, isagoo saaxiib dhow la ahaa Fu’ad Shongole, hase yeeshee waqtiyadaan dambe ee xarakadu u qaybsan tay labada garab ayuu u wareegay dhinaca Axmad Godane iyo Ibraahim Afgani oo sida la sheegay loo balan qaaday dhaqaale badan.

Horjoogahaan ayaa wuxuu deganaa Xaafada Dhagaxtuur oo ka tirsan Degmada Afgooye, halkasoo ay u joogeen caruurtiisa iyo haweeney uu qabay, wuxuuna ahaa ninkii farsameeyay inta badan qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: