Halkaan ka akhri
Madaxweynaha kaltanka Konfederaalka Switzerland Micheline Calmy-Rey ayaa Shalay iyo maanta oo khamiis ah Booqaho howled rasmi ah ku joogta dalka Hangary.
Dalka Ungheria oo haatan ah wareegga Madaxtinimada Midowga Yurub, sidaas darted  Micheline Calmy-Rey waxay Casumaad ka heshay Madaxweynaha dalka Hangary Pal Schmitt iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas  Janos Martonyi, waxayna ka wada hadleen Xiriirka labada geesoodka ah ee Midowga Yurub iyo Switzerland.
Sidoo kale labada Madaxweyne waxay isla soo qaadeen xiriirka wax wada qabsiga  ka dhexeeya labada Dowladood, wadahadallo kadib waxaa la isku afgartay in la sii xoojiyo mashruucyada wax wada qabsiga
Dhanka kale Hangary ayaa ka mid ah wadamada Midowga Yurub ee dhaqaalahooda hoosee, balse Kaalma ka hela dalkan Switzerland, si loo kaabo dhaqaalaha liita ee dalkaas.
Waxaa kaloo labada Mas’uul ay dareen ka muujiyeen dabeesha  bannaanbaxyada carada leh inay soo gaaraan wadamada kale ee ku yaala Bariga dhexe, waxayna mas’uuliyiintan ay mala awaaleen in qalalaasaha ka dhacay Wadamada Tunisia, Masar, Yemen iyo Jordan ay salka ku hayaan kacdoon lagu diidan yahay Siyaasadaha Mareykanka iyo Israa’eel ee la xiriira xoog u sheegashada Umadaha Carbeed, gaar ahaan dhibaatooyinka loo geysana Dadka Reer Falastiin.
SomaliSwiss    Swissinfo
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.