Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo sheegay in xabsiga loo taxaabay askartii ka dambeysay falkii ka dhacay Isgoyska Banaadir.

Halkaan ka akhri

Mas’uulka uga sarreeya Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono cid waliba oo ku lug-yeelata dhacdadii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacday Isgoyska Banaadir.

Hadalkan oo soo gaarsiiyey warbaahina Gudoomiyaha Maxkmadda Ciidamada qalabka Sida ee dowladda KMG Xasan Max’ed Xuseen (Mungaab), wuxuuna sheegay in Maxkmadda ciidamada qalabka sida ay ku soo oogtay dacwad lid ku ah askartii dhawaan dadka rayidka ah rasaasta ku faurtay dad ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal ugu sarreeya Maxkmadda Ciidamadu Xasan Max’ed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in Maxkamad ay xukumi doonto askartii ka dambaysay dhibaatadaasi iyo sidoo kale Mas’uuliyiintooda, wuxuuna sheegay in Maxkamaddu aysan cafin doonin Mas’uuliyiin haddii ay ku lug yeeshaan mashaqadii ka dhacday Isgoyska Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa nabad sugidda ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah askartii falkaasi ka dambeysay, wuxuuna intaasi ku daray in iyagoo xukun sugayaal ah ay ku jiraan Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka ay ka taliso dowladda KMG Soomaaliya inaysan ka niyad jabid dowladda madaamaa ay Maxkamada diyaar u tahay in fal kasta oo xumaan ah  uu askari kasta ku dhibaateeyo shacabka la soo taagi doono Maxkamadda sida kuwii ka danbeeyey dhacdadii Isgoyka Banaadir.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: