Advertisements

Xoogagga mucaaradka ee dalka Yemen oo isu diyaarinaya in ay berri sameeyaan bannaabax aad u balaaran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Wararka kal imaanaya Dalka Yemen ayaa sheegaya in Xoogaga Mucaaradku ay isu diyaarinayaan inay  Sameeyaan bannaabax aad u balaaran oo la mid ah kuwii ka dhacay  wadamada Masar, Tunisia iyo Jordan kuwaasoo lagu dalbanayey in xukunka uu isaga tagaan Madaxweynayaasha  iyo Mas’uuliyiinta dalkaas.

Sidoo kale Shacabka dalka yemen ayaa beri oo Khamiis ah ayaa waxaa  Mucaaradka dalkaas ku ballansan yihiin inay dhigaan isu soo bax kii ugu weeynaa  ebed ka dhaco dalkaasi kaaso lagu wado in dadweyne fara badan  ay isugu soo baxaan Fagaarayaasha Caasimada dalkaasi ee Sancaa.

Sida lagu soo warramay Mucaaradka isu tegay oo la baxay Magaca Mushtarik ayaa iyagu toddobaadkan oo dhan qaban qaabinayey isu soo baxaasi la imclaamiyey oo lagu wado inuu ka adhaco Magaalada Caasimada ah iyo magaalooyinka waaweeyn ee dalka yaman.

Dhanka kale Mucaaradka ayaa labadii Toddobaad ee la soo dhaafay waday  isu soo baxyo nabad ah oo ay ku dalbanayaan is bedel,  waxaana  muuqaneeya hada in arintu isu bedeleeyso Sidii horay uga dhacday dalalka kale ee Carbeed ee Masar iyo Tunisiya oo Shacabku eey si xoogan u diideen kaliye taliye yaashii mudada 30 ka sano ka badan soo xukumayay wadamadaasi.

Sida la wada ogsoon yahay Dalka Yemen ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada inqilaabku xoog leh ku qabsaday, isla markaana nidaamka Milatari ah muddo ka badan 30 sano xoog uga talinayey iyadoo ay ka jirto dowlad aan sidaasi u sii awood badneeyd , waayo Shacabka ayaa ah kuwo aad u hubeeysan iyo nidaamka oo laga daalay aawgiis.

Hase yeeshee Xisbiyada mucaaradka  oo isbaheeystay ayaa ku dhawaaqay isu soo baxyo balaaran oo lagu dalbanayo inuu Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax uu Xukunka isaga tago si nabad ah haddii kale uu dhacayo dhibaato aan horay loo arag, waayo wadanka Yemen wuxuu safka hore uga jiro wadama u sharaxan ineey ka kacdo duufaanta Kalitalis tuurka ah ee ka kacsan wadamada carabta.

Sidaas darteed hadaba waxaa laga war sugayaa sida uu xaalku noqdo iyadoo loo balansan yahay isu soo bax aad u weeyn oo ka dhaca dalka Yeme, sidoo kale waxaa farta ku godan oo cabsi weyn  ay ka jirtaa Wadamada ay ka taliyaan hogaamiyayaasha milatariga ah ee xukunka dheer xooga ku haysta, waxaana  wadamodaas ka mid yihiin Liibiya,Suuriya,Yaman,Aljeeriya, Sacuudiga Carabiya iyo wadamo kale oo afrikaan  ah.

SomaliSwiss   Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: