Meydka qof Ajnabi ah oo laga helay xeebta degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

War Saaka uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee G/Banaadir ayaa sheegay in Qof Meyd ah oo Ajinabi ah oo aan haybtiisa la aqoonin ayaa Saaka laga helay isagoo yaala Jabalada Xeebta degmada X/weyne.

Meydka qofkan ayaa la sheegay in uu yahay Ajinabi oo aan la garanayn cidda dishay kaasi oo laga soo qaaday Jabalka hoostooda, kadibna la keenay Kawaanka degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dilka qofkan loo adeegsaday xarig lagu xir xiray inta badan xubnaha jirkiisa, islamarkaana aysan ku oolin wax rasaas ah, waxaana ilaa iyo iminka meydka uu yaalo Kawaanka degmada Xamar-weyne ee gobolkada Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in ay faah faahin ka bixiyaan waxa uu yahay qofka meydka ah iyo sababihii loo dilay iyo waqtigii uu yimaaday dalka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: