Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo kula taliyey Madaxweyne Xusni Mubaarak in uu xilka isaga dego, balse uu ka madax adeegay.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa xalay ka jeediyay khudbad Tekefishinka dalka Masar, isagoo sheegay inuu sii heynayo xilkiisa ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada dalka bisha September.

Hase ahaatee Xusni Mubaarak ayaa ku adkeystay inuu sii heynayo xilkiisa, waxaana uu ku eedeeyay banaan baxayaasha socda inay ka dambeeyaan quwado siyaasadeed.

sida aad la socotaan Mubaarak ayaa Khudbadii Telefishinka  ka jeediyeykadibna  uu qadka taleefanka uu kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo kula taliyey  inuu isaga  dego xukunka, balse Mubaarak uu ku  adkeystay inuu haynayo Xilka ilaa ay ka dhamaanayo xilligiis.

Balse Madaxweyne Mubaarak ayaa sheegay inuu ku dhimanayo ciida dalka Masar, isagoo sheegay in marka la gaaro September uusan isa soo sharixi doono, isla markaana uu si nabadgeylo ah uu ku dhiibi doono xilka.

Hase yeeshee wuxuu ku baaqay in ammaanka la adkeeyo, xasiloonida la soo celiyo, isagoo banaan baxayaasha ku baaqay inay ilaaliyaan nabadgeliyada iyo xasiloonida, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay dhibaatooyinka ay reebeen todobaadkan banaan baxyadii bur burka iyo fowdada dhaxalsiiyay dalka Masar.

Banaan baxayaasha ayaa si caro leh u soo dhoweeyay baaqa Madaxweynaha Masar ee ku aadan inuu xilka ka dagayo bisha September, isla markaana uusan dib isku soo sharixi doonin xilka Madaxweynenimo marka la gaaro doorashada bisha 9aad ee sanadkan.

Si kasra arrintu ha u dhacdee  shalay ayay aheyd maalintii ugu badneyd ee ay ka qeyb qaataan banaan baxayaasha boqolaal kun oo isugu soo baxay fagaraayaasha waa weyn, iyadoo banaan bixii shalay uu ahaa mid boqolaalkii kun ee isugu soo baxay ay ka soo horjeedeen Madaxweynaha Masar.

SomaliSwiss   Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: