Axmad Godane iyo qaar kamid ah madaxda Al-Shabaab oo si joogta ah safarro ugu taga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

WARBIXIN RASMI AH

Halkaan ka akhri

Axmad Cabdi Godane iyo inta badan madaxda sare ee xarakada Al-Shabaab ayaa si joogta ah safarro qarsoon ku taga caasimadda dalka Kenya ee Nayrobi, halkaas oo ay dib uga laabtaan ama meelo kale uga sii gudbaan markii ay danahooda ka dhamaystaan.

Weriye ka tirsan SomaliSwiss oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa  loo xaqiijiyay in horjooge-yaasha sare ee Al-Shabaab ay si isdaba joog ah safarro ku tagaan halkaasi, iyagoo ku dega Hoteello ay si dadban ugu leeyihiin Nayroobi iyo Hoteello kale oo ay gacanta ku hayaan ganacsato iyaga taageerta.

Xogtan oo uu weriyaha SomaliSwiss ee Nairobi ku sugan ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada oo codsaday in aan magacooda lashaacin sababo amaankooda la xiriira, iyadoo sidoo kale  ay xaqiijiyay dad kale oo arrimahaas u dhuun daloola, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad iyo dad horey u taageeri jiray Al-Shabaab iyo Xisbul Islam.

Warka ayaa intaas ku daraya in Axmad Cabdi Godane oo hadda hogaamiya garab ka mid ah xarakadaa Al-Shabaab uu si joogto ah safarro qarsoodi ah ugu yimaado, halka Horjooge-yaasha kale ee aan Wejigooda laga aqoon Soomaaliya iyo caalamku iyaguna joogto u yimaadaan, iyadoo ay qaarkoodna  Guryo ka iibsadeen, halka kuwa kalena ay ganacsi ku leeyihiin.

SomaliSwiss waxay waqtiyada soo socda idiin soo gudbin doontaa warbixinno iyo warar dheeri ah oo arrimahan la xiriira, isla marka uu weriyaheenna halkaasi ku sugan uu dhamaysto xog uruurin iyo  baaritaano xaqiiqo raadin ah oo uu halkaasi u joogo.

Somaliswiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: