Wasiirka Caafimaadka oo sheegay in ay gargaar caafimaad oo dibadda ah u sameyn doonaan dadkii shalay ku dhaawacmay shilkii ka dhacay haddii ?..

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in ay gargaar caafimaad oo dibadda ah u sameyn doonaan dadkii shalay ku dhaawacmay shilkii ka dhacay Isgoyska Banaadir haddii wax looga qaban waayo gudha waddanka.

Sidoo kale Wasiirka  Caafimaadka Dr Adam Ibrahim Da’ud ayaa Warbaahita u sheegay in dadka dhaawaca ah ee jiifa Isbitaalka ay hadda xaaladdodu wanaagsan tahay, kaddib markii ay gargar u fidiyeen dhaqaatiirta Isbitaalka oo muujiyay howl karnimo.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay diyaarisay qorshe dadkaas caafimaadkooda lagu hagaajinayo taasoo ay kala kashaneyso qaar ka mid ah dalalka saaxibka la ah, waxaana fursadahaas looga faa’iideyn doonaa dadka aan gudaha dalka wax looga qaban Karin ee ka mid ah bukaannada ku waxyeeloobay shaqaaqadii shalay dhacday.

Dhanka kale Dr. Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud ayaa u mahad celiyay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee shalay dhabarka u dhigtay in ay badbaadiyaan dadkii rayid ahaa dhaawaca ka soo gaaray shilkii ka dhacay Isgoyska banaadir ee magaalada Muqdisho, wuxuuna amaanay kaalinta ay qaateen howl wadeenada Isbitaallada Muqdisho.

Hase yeeshee Wasiirka wuxuu baaq u diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda in ay ka qeyb qaataan hagaajinta caafimaadka bukaanada ku waxyeelooba dagaallada iyo kuwa nafaqo darrida ay ku heysato gudaha waddanka, isagoo sheegay in midnimada looga gudbi karo caqabado kasta oo umadda la soo gudboonaada.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: