Shirkii iyo kulamadii saddax geesoodka ahaa ee dhexmaray Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo la soo gabogabeeyey.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Shirkii Madaxweynayaasha Afrika oo muddo labo cisho ah uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Midowga Afrika ayaa shalay galab la soo gabogabeeyey, Shirkan oo soomaaliya uu uga qeybgalayey wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

Shirkan ayaa ku soo gabogaboobay si heer sare ah, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya oo la qabtay labo shir oo gaar gaar ah muhiimna u ah Soomaaliya.

Janaayo 30keeda ayaa shirka guud ee Midowga Afrika ka furmay, ha yeeshee isla 30ka Janaayo waxaa si gaar ah loo qabtay shirkii 17aad ee aan caadiga aheyn ee Madaxweynayaasha IGAD, kaas oo si gaar ah looga hadlayey arrimaha Sudan, Somalia iyo Kenya. Madaxweyne Sheikh Sharif Sh. Ahmed ayaa halkaas warbixin ku siiyey Madaxweynayaasha IGAD ugana waramay xaalada dhabta ah ee Soomaaliya wuxuuna soo jeediyey tallooyin ku wajahan sidii xilliga kala guurka ah looga bixi lahaa, isla markaana arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo gargaarka bani’aadanimo dadaaladooda loo sii dardargelin lahaa.

Shirka IGAD ayaa waxaa talo ahaan loo soo jeediyey in Baarlamaanka Somalia waqtiga loo kordhiyo si aysan u dhicin in waddanka uusan yeelan dowlad, maadama uu waqtiga ka dhacayo hay’adaha dowliga ah bisha August.

Ugu danbeyntii Ururka IGAD waxay ku taliysey in Soomaalidu loo daayo inay go’aan ka soo gaaraan mustaqbalka waddankooda.

Sidoo kale waxaa labada shir barbar sacday shir kale oo isla  31ka Janaayo la qabtay, kaas oo ahaa shir heer sare ah ee uu shir guddoominayeen Xoghayaha Guud ee QM, Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo Shir-gudoonka IGAD.

Shirkan ayaa si gaar ah looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, waxaa kaloo shirkan ka soo qeybgalay, Madaxweynayaal ka socday Afrika, Madaxweynihii hore ee Ghana, Jerry Rowlings, Mas’uuliyiin heer sare ah oo ka socday US iyo UK iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Sharif ayaa warbixin la xiriirta arrimaha Soomaaliya ka jeediyey halkaas, oo uu ka hadlay horumarka xukuumadda cusub ay ku tallaabsatay mudadii koobneyd, dadaalada socda oo ay ka mid tahay qorsheyaasha la rabo in marxaladda kala guurka ah looga gudbo.

Hase yeeshee  Madaxweyne Sheikh Sharif ayaa waxuu hoosta ka xariiqay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo sida loogu baahanyahay in caalamku ay si deg-deg ah ummadda soomaaliyeed ugu soo gurmadaan, wuxuu kaloo Madaxweynuhu uu sheegay in shirkii IGAD la soo jeediyey labo fikradood ee ku wajahan sidii xaaladda kala guurka ah looga gudbi lahaa, wuxuuna caddeeyey in Somalida ay wadatashiyo ka yeelan doonaan arrinkaas, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aanka ugu haboon si waddanka loo badbaadiyo shacabkana wax loogu qabto, balse wuxuu uga mahadceliyey Beesha caalamka taageeradooda joogtada ah, kana codsaday inay labo laabaaan taageeradooda, si loo helo dowlad leh hay’ado u adeega shacabka soomaaliyeed.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia ayaa 31kii Janaayo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Midowga Afrika, kana warbixiyey sida wafdiga Soomaaliya loo soo dhoweeyey, isla markaasna caalamku caddeeyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu taageero buuxda siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Owmaar oo qabtay shirjaraa’id oo uu kaga waramayay hadal dhawaan kasoo baxay Ururka Midowga Afrika oo ku aadanaa in uu dhamaaday waqtiga Barlamaanka islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in la badalo ayaa wasiirka wuxuu sheegay in Midowga Afrika iyo IGADba aysan xaq u lahayn in uu go’an ka gaaraan arimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane Owmaar ayaa sheegay in Midowga Afrika uu yahay mid mar waliba garabtaagan dowladda KMG, wuxuuna tilmaamay inay ka qaadan doonaan talooyinka ugu muhiimsan ee wax lagu hagaajinayo, hase ahaatee uu sheegay inaysan habooneyn in Midowga Afrika uu qaato go’aanka ka dambeys ah.

Si kasta ha ahaatee hadalka wasiirada arimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Owmaar ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo dhawaan war murtiyeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika lagu sheegay in waqtiga jiritaanka Barlamaanka KMG uu ku egyahay 21-Augost 2011

SomaliSwiss  Addis’ Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: