Shirkadda SKA oo Maanta soo bandhigtay qalab lagu baarayo Rakaabka diyaaradaha Soomaliya.

Halkaan ka akhri

Shirkadda SKA ayaa maanta soo bandhigtay qalab casri ah oo lagu baarayo dadka iyo galabka galaya garoonka diyaaradaha, waxayna  Shirkadda SKA sheegtay in ay wax ka qabaneyso amniga garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Shirkadda SKA oo joogitaankeeda iyo ka howl delkeeda la isku haysto, balse haatan iyado gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo bandhigtay qalab loogu talagalay baaritaanada dadka iyo alaabta la galinayo gudaha garoonka iyo diyaaraha.

Sidoo kale  waxaa la sheegay in qalabkan uu awood u leeyahay in iyadoon qofka jirkiisa la taaban baaritaanka lagu sameeyo isaga iyo alaabta uu wato.

Mr. Martin Bill oo ah Ku Simaha Madaxa Shirkadda SKA Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu in qalabkani uu si aad ah uga qeyb qaadan doono sugida amniga garoonka diyaaradaha.

Dhanka kale ku suimaha Madaxa Shirkadda SKA Soomaaliya Martin Bill oo ka hadalayey qalabkan  ayaa sheegay in shirkadda SKA aysan wali si toos ah uga howlgalin dalka Soomaaliya, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in howlgalka SKA uu bilaabanayo marka Barlamanka KMG Soomaaliya uu ansixiyo heshiiska qabyada ah.

waxa aan la soconaa in ay su’aalo is weydiin jirto dhinaca barlamanka, waxaa jira qalab aad u farabadan oo loogu talagalay hormarinta iyo soo celinta bilicda garoonka caalamiga ah ee Muqdisho,

“Waxaana rabnaa in aan garoonka ka dhigto mid la mid ah garoomada caalamiga ah hase ahaatee waa in la cadeeyaa dooda Barlamaanka ee ka taagan ee la xiriira SKA” sidaas waxaa yiri Mr. Martin Bill.

ku suimaha Madaxa Shirkadda SKA Soomaaliya ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha dowladda KMG iyo R/wasaaraha Xukuumada KMG inay arintan ka hadlaan, islamarkaana ay ka dhaadhiciyaan sida uu ku yimid heshiiska SKA ay la gashay dowladda KMG, si uu Barlamaanka KMG uu u ansixiyo.

Hase yeeshee Mr. Martin Bill ayaa balan qaaday in marka ay helaan codka Barlamaanka KMG ay waxbadan ka badali doonaan bilicda garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: