Amanda Lindhout oo shaacisay in ay sanadkan 30 Gabdhood oo Soomaali ah u diyaarisay Jaamacado. (Dhegayso Wareysi Somali-English & Afduubkeedii.

HOOS KA DHEGAYSO WAREYSI SOOMAALI

Halkaan ka akhri

Amanda Lindhout oo ahayd Suxufiyad u dhalatay dalka Canada, isla markaana magaalada Muqdisho lagu afduubay xilli ay howl shaqo u tagtay halkaas ayaa wax ka xustay 16 bilood ama 460 maalmood oo Soomaaliya lagu haystay, waxa ay ku qiimeyn karto, waxayna kusoo koobtay, in waqtigii la haystay ahaa maalmo xanuun badan oo qof banii’adam ah soo mara kuwii ugu adkaa.

Amanda Lindhout oo aan weligeed si faah faahsan afkeeda uga sheegin dhibaatadii loo geystay, waxay xustay in waqtigii afduubka loo haystay inta badan dhibaatooyinkii loo geystay lagu shaaciyay warbaahinta, ayna kusoo gaabinayso in warbixinnadaasi run ahaayeen, waxa kaliya ee ay xusi kartaahina yihiin in  kaligeed lagu hayay iyadoo katiinadaysan meel aan iftiin lahayn, raashinkuna xittaa uu ciriiri uga jiray ama aan la helayn mararka qaarkood, waxay sheegtay in dadka haystay ay ahaayeen dambiile yaal iyagu aaminsanaa dad xaqooda u dagallamaya, iyadoo ka dhawaajisay in wixii ugu xumaa, uguna wanaagsanaa ee loo sheego intii lahaystay ay ahaayeen in waxa kaliya ee ay dooran kartaahi yihiin  xilliga lasii daynayo, taas oo dabcan macnaheedu ahaa, in markii laga dhiibo lacag madax furasha ah lasii dayn doono, haddii ay dheeraato ama dhowaataba.

Amanda Lindhout oo markii Xabsiga laga soo daayay, isla markiiba bilowday olole waxbarasho heer Jaamacadeed ah inay u raadiso gabdho Soomaaliyeed ayaa taas ku macnaysay in Markii la qiimeeyo Waxyaabihii ay la kulantay intii afduubka loo haystay iyo Soo deysmadeedii ka dib, aysan maranaba isweydiin iney sax ahayd ama qalad tahay howsha ay ku doonayso inay 100 Gabdhood oo Soomaaliyeed wax barasho ilaa heer Jaamacadeed ah ka gacan siiso, iyadoo sabab uga dhigtay, inaysan garanayn wax aan sidaas  ahayn oo ay ku fikiri lahayd. Halkaan ka dhegayso nuxurka Waraysigaan oo aan idiin tarjunay.

Amanda Lindhout oo wax laga waydiiyay, inay wax ka iftiimiso sida loola dhaqmay iyo qaabka ay muuqaal sawiran ay uga bixi karto guud ahaan  sida xaaladdu ahayd ayaa ku jawaabtay “ilaa iyo hadda wax sharraxaad hoose ah kama bixin waxyaabihii aan la kulmayay iyo xaaladdii aan ku sugnaa intii afduubka la ii haystay, laakiin waxay ila tahay inaan ka xusi karo iney ahayd mid qallafsan oo aad u adkeyd, waxay ahayd arrin aad u dhib badan oo argagax iyo anfariir leh ee qof uu ku sugnaado” iyadoo sii hadlaysa waxay tiri “wixii dhacay waa la faafiyay, waxayna ahayd run in si fool xun la iila dhaqmay, isla markaana  lay jirdilay, waan jeebeysnayn, aniga iyo Kaamiristahaba, waxaa nagula kattinadaynayay meelo mugdi ah, wuxuu ahaa waqti aad u fowdo iyo dhibaato badan, laakiin ilaah mahaddiis hadda halkaan ayaan joogaa.”

iyadoo ka jawaabaysay su’aal ku saabsaneyd nuuca dadkii hayay iyo guud ahaan haddii ay jireen wax uun wada hadal ah iyo isfaham ayay ku jawaabtay “Markii la i qafaalay dadka aan arkay waxay ahaayeen ilaa 12 wiilal oo yar yaraa, bishii ugu horeysay ee ay i hayeen dabcan waxaa na dhex maray xoogaa wada hadal ah oo aan badnayn, si aan u ogaado, nuuca dadka ay yihiin, waxa ay doonayaan iyo sababta ku xambaartay inay noqdaan maleeshiyo hubaysan, mar marka qaarkood wada hadalkaasi wuu istaagayay, markii ay noqoto dhinaca dumarka aad ayay u yaraayeen oo mudadii lay hayay oo 16 bilood ahayd laba dumar ah oo kaliya ayaan arkay, midood waxay ahayd haweeneydii isku dayday inay bad baadiso nafsadayda taas oo isku dayday inaan fakanno hase yeeshee wax yar ka dib nala soo qabtay, waxay ahayd markii ay igu dhalatay inaan xasuusnaado oo mar uun u abaal gudo gabdhaha Soomaaliyeed iskuna dayo inaan u qabto wixii awoodayda ah, iyo gabadh kale oo isku dayday inay si deg deg ah noo qariso.”

iyadoo ka jawaabaysay qaabka ay doonayso inay ugu abaal guddo gabdhaha Soomaaliyeed iyo awoodda ay u leedahay arrintaas ayay sheegtay in iyadoo kaashanaysa Somali fara badan iyo ururo caalami ah ay ku dadaali doonto inay wax u qabato dumar badan oo Soomaaliyeed oo ay xustay inay ka caawinayso dhinaca waxbrashada, gaar ahaan kuwa dhallin yarada ah.

Waxay sheegtay in sanadka 2010 ay wax barasho ilaa heer Jaamacadeed ah u fidisay oo ay hadda wadaan 11 gabdhood oo Soomaaliyeed, halka sanadka 2011-kana ay sheegtay inay gacanta ku hayso dhaqaalihii ay 25 Gabdhood oo cusub uga bixin lahayd wax barasho iyo nolol, iyadoo xustay inay howshaas wax barista heerka jaamacdeed ah ku socon doonto xawli sanad kasta hadba sidii ay ugu hesho dhaqaalaha ku baxaya.

mar wax laga waydiiyay dadka ay wax barayso inay dumar kaliya yihiin iyo haddii qeybo kale ku jiraan ayay sheegtay in hadda waqtiga la joogo ay bilowday dhinaca gabdho yar yar, laakiin haddii dhaqaaluhu u saamaxo ay gaarsiin doonto mustaqbalka qorshahaas dad kala duwan.

iyadoo ka hadlaysay sida ay dadkaas u xushaan iyo qaabka ay u wada xiriiraan ayay xustay inay xulanayso xilligaan dadka nuuca ay wax barashada ka bixinayso oo ay sheegtay in shuruudda koowaad tahay inay yihiin gabdho da’doodu aysan waynayn oo u ooman wax barasho, isla markaasna diyaar u ah inay mustaqbalka dadkooda wax u qabtaan, waxay xustay in gabdhahaasi ay ka imaan dooonaan Soomaaliya qaybaheeda kala duwan oo dhan, isla markaasna ay jiraan siyaabo badan oo loola xiriiri karo, si toosan ama si dad ban intaba.

Mar wax laga waydiiyay maadaama Soomaaliya lagu afduubay oo in muddo ah lagu hayay, sababta ay taas bedelkeeda u go’aansatay inay caawiso Soomaali ayay Soomaalida ku amaantay inay yihiin dad aad u dulqaad badan oo 20 sano dhibaatada ay u dulqaadanyeen ay tahay wax lagu qiimeyn karo, iyadoo xustay in dadka afduubtay haddii ay xagga aqoonta ka dhisnaa lahaayeen aysan afduubi lahayn, laakiin ay ahaayeen dad waayay wax ka caawiya xagga aqoonta, sidaasi darteed iyagoo yar yaraa iyo dhibaatada ay kusoo koreen oo aqoon la’aani u dheereyd ay u qruxisay inay ku kacaan falal aan wanaagsanayn sida afduubkeeda oo kale.

Waxay Soomaalida ka codsatay inay caawiyaan dadkooda qof kastaahi intii uu awoodo, si dadbadan ama si toosan, iyadoo ugu baaqday in waddanka Soomaaliya dhibaatda dadka haysta ee adduunku ka jiifo lagu dadaalo in indhaha caalamka la tuso xaaladda ay ku sugan yihiin si ay u helaaan gar gaar macno u samaynaya Soomaalida, gaar ahaan xagga wax barashada iyo in dadka laga dhiso xagga aqoonta iyo garashada. Waraysiga Amanda oo Soomaali ku tarjuman halkaan ka dhegayso.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: