Xog’hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin burcad badeeda Soomaalida

Halkaan ka akhri

Xog’haya guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo dulqaadan doonin sii socoshada falalka burcad badeednimada ah ee loo gayta Marakiibta Caalamka oo isticmaala biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsanba.

Mr. Ban ki-Moon oo haatan ku sugan magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa shalay  ka hadlay kulan Madaxeedka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay aysan gacmaha ka laaban doonin howlgalada burcad badeeda Soomaalida ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Sidoo kale Ban ki-Moon wuxuu shaaca ka qaaday in beesha Caalamka ay ka walaacsan tahay sii socoshada falalka burcad badeednimo oo maalmihii dambe ay si xowli ah u wadeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida, balse wuxuuna tilmaamay inay ka go’an tahay inay soo afjaraan Qamarada Midoobay iyo beesha Caalamka falalka burcad badeednimo.

Hase yeeshee Burcad badeeda Soomaalida ayaa iminka waxaa ay gacanta ku hayaan Maraakiib aad u farabadan iyo shaqaalihii saarnaa, waxaana bilihii la soo dhaafay ay sii laba laabeen afduubka ay u gaysanayan Maraakiibta, iyadoo xeebaha Soomaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib dagaal ah oo la sheegay inay ka hortagayaan kooxaha burcad badeeda Soomalida hase ahaatee aan muuqan ilaa iyo iminka talaabo ay qaadeen.

SomaliSwiss Addis’ Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: