Advertisements

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda KMG oo ku dhawaaqay guddiga Qaranka ee abaaraha.

Halkaan ka akhri

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guddiga gurmadka gargaarka degdegga ah ee wax u qabta dadka ay abaaruhu ay ku haystaan ee ku kala nool gobolada Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta barqadnimadii uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaliya Max’d C/laahi Max’ed Farmaajo uu kulan kula qabtay Xarunta Madaxtooyada 21-Xubnood oo ah guddiga Qaranka ee gurmedka Abaaraha, kuwaas oo uu soo magacaabay wasiirka arimaha gudaha ee dowladda KMG Soomaaliya C/shakuur Xasan Faarax.

Waxaa Gudiga gurmedka abaaraha gudoomiye loogu dhigay Ibraahim Xabeeb Nuur, waxaana markii la magacaabay gudoomiyaha, kadib uu warysi siiyay Warbaahinta, wuxuuna sheegay in talaabada ugu horeysa uu guddiga qaadi doonaan ay tahay sidii ay u soo ururin lahaayeen qarashkii wax lagu gaarsiin lahaa dadka ay abaartu halkaysay.

Hase yeeshee Abaarahan ayaa waxay saamayn baahsan ku yeesheen dadka iyo duunyada ku dhaqan inta badan gobolkada Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaa  Gobolladaas gacanta ku haya Xarakada Al Shabaab oo ay si wayn isaga soo horjeedaan dowladda KMG Soomaaliya dagaalana ay ka dhaxeeyaan, arrintaas ayaa dad badan waxaa ay wax iska waydiinayaan sida ay ku suuro gali karto in gurmed ka yimid dhinaca dowladda KMG loo gaarsiin lahaa gobolada Xarakada Al-Shabaab ay ka taliso.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: