Advertisements

Waa sidee xaaladda Muqdisho Xalay & Maanta?


Halkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalayto ka holcayey dagaalo aad u culus, ha yeeshee waxaa saaka dagan xaaladda meelihii Xalay lagu dagaalamay, balse dadweynaha deggan guud ahaan G/Banaadir waxay dagaalkii xalay dhacay ay moodeen inuu yahay mid ku kala bax ah, wuxuuna si xoog badan ugu dhacayey dhanka woqooyiga caasimada.

Sidoo kale deegaanada ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho iyo degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa saaka dhamaantoodba waxa ay yihiin kuwo xasiloon oo aysan ka jirin wax rasaas laga maqlayo, inkastoo xalay laga seexan waayay huugaanta iyo dhawaaqa hubka Culcus.

Dagaalada holcayay ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo caadi iska ah wuxuuna ka mid noqday nolosha dadka rayidka ah, waxaana dagaaladii iyo duqaymihii malmahan ka socday ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka shacab ah ee aan waxba galabsan oo maalin walba ku nafwaayaya magaalada  caasimada ee Muqdisho.

Sida lagu soo warramay in inta badan ay islaamiyiinta soo weerarka taasi oo leh masuuliyadeeda Xarakada Al-Shabaab, hase ahaate  weeraradaas waxaa ka dhasha khasaare mug weyn leh marka ay ka soo jawaabaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah madaafiic culus u adeegsata dhulka ay shabaabku haystaan balse shacabka ay dagan yihiin.

Si kasta ha ahaatee waxaan si rasmi aam la ogayn dhimashada iyo dhaawacii dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, balse waxaa la sheegay in Isbitaalada loo qaaday ku dhawaad 15-ruux oo rayid ah kuwaas oo woqooyiga magaalada Muqdisho waxyeelada ay ka soo gaartay markii la duqeeyay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: