Advertisements

Urur goboleedka IGAD oo soo jeediyey talooyin waqtiga loogu kordhiyo dowladda KMG.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Shir gaar ah  ku yeesheen Magaalada Addis Ababa IGAD iyo Qaramada Midoobey ayaa looga hadlay sida laga yeelayo mustaqbalka Dowladda Soomaaliya ee ka harsan muddo 7-bilood oo qudha.

Sida lagu soo warramay Shirkan ayaa ahaa mid xasaasi ah,  waxaana goob joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Agoustin Mahiga, Madaxa Midowga Afrika Jean Ping, Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale IGAD waxay soo jeediyay talooyin ku aadan in waqtiga loo kordhiyo Dowladda KMG iyo Baarlamaanka marka la gaaro waqtiga kama dambeysta ee Dowladda jiritaankeeda ku idlaanayo.

Madaxa Midowga Afrika Jean Ping ayaa shirka ka sheegay in Dowladda KMG ay ku guuldareysatay inay wax qabato, isagoo sheegay in sidoo kale ay Dowladda ay shacabka u sameyn weyday adeegyo iyo inay nabada sugto.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb. Agoustin Mahiga ayaa isna sheegay in shaki aanu ku jirin in waqtiga Dowladda KMG u harsan jiritaankeeda, isagoo sheegay in waxa laga tashanayo ay tahay sida laga yeelayo waqtiga Dowladda KMG u dhamaanayo.

Talooyinka IGAD ay soo jeedisay ayaa dib la iskula noqon doonayaa oo dib loo eegi doonaa, iyadoo arrintan ay tahay mid xasaasi ah oo laga war dhowrayo sida go’aan ay ugu gaaraan arrinta waqtiga Dowladda u harsan jiritaankeeda.

SomaliSwiss      Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: