Advertisements

Qaar ka mid wasiirada xukuumada KMG oo galabta booqday dadkii ku waxyeeloobay dhibkii ka dhacday Isgoyska Banaadir.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Wasiiro Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkan ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi ayaa galabta booqday dhaawacyada dadkii maanta ku waxyeeloobay mashaqadii ka dhacday isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho iyagoo u balan qaaday in dadka dhaawacyada culus qaba loo sameyn doono gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Wasiirada booqday dadkii ku waxyeeloobay dhibkii ka dhacay Isgoyska Banaadir waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim, Wasiirka Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, iyo wasiir kuxigeenka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Siciid Maxamuud Jimcaale.

Sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Madiino Dr. Maxamed Yuusuf in dhibaatadii maanta ka dhacday ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 60 qof, kuwaas oo la keenay Isbitaalka ayna u sameeyeen adeegyo kala duwan sida Qaliino kala duwan, gargaar deg deg ah iyo xanaaneyn, wuxuuna xusay in intii ay ku guda jireen howsha dhaawacyada iyo samatabixintooda ay ku geeriyoodeen Isbitaalka illaa 6 ruux, halka 5 ruux oo kalena ay ku dhinteen goobta mashaqadu ka dhacday ee isgoyska Baanadir waxayna tirada dhimashadu gaartay in ka badan 11 ruux.

Shir jaraa’id oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ugu qabtay gudaha Isbitaalka bahda saxaafada ayaa u tacsiyeeyey dhamaamba eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadka maanta geeriyooday kuwaasoo u badnaa Askarta Dowladda, wuxuuna xusay in cadaalada la hor keeni doono talaabona laga qaadi doono dadka falkan waxash-nimada ah geystay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Wax dhacay maanta waa musiibo, waana u tacsiyeyneynaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii dhintay, inta dhaawacantayna ALLE caafimaad deg deg ah ha siiyo” hase ahaatee  wuxuu balan qaaday in dadka dhaawacyada culus qaba ay dowladdu ku dadaaleyso inay gargaar caafimaad oo dalka dibaddiisa ah u raadinayso.

Dhibaatada  ka dhacday maanta isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ay ka fakatay Rasaas fara badan oo ka dhacday qoriga loo yaqaano Zuu-ga kadib markii cilad farsamo ay qabsatay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: