Advertisements

Iska horyimaad dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyo Beeleedka degaanka Kalshaale.

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay iyo maanta ka socda degaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buuhoodle dagaala ay isaga horjeedaan ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliland iyo maleeshiyo beeleed waxaana sheegaya in shalay uu ka dhacay dagaal culus, waxaana saakay la soo sheegay in labada ciidan oo is hor fadhiyey ay rasaas isweydaarsanayeen, balse  cidina waxba ku noqon is rasaaseyntaas.

Sida lagu soo warramay gelinkii dambe ee shalay ayaa mar kale degaanka Kalshaale uu ka dhacay dagaal xoog leh oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay iyo dadka rayidka ee iyagu degan magaalada, waxaana dagaaladaasi la sheegay inay bilowdeen kaddib markii ciidamada Somaliland ee halkaasi jooga ay rasaas ku fureen maleeshiyo beeleedyo degaanadaasi ku sugan.

Sidoo kale ilaa haatan waxaa la xaqiijiyey in dagaaladaas ay ku geeriyoodeen in ka badan 20-ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay goobaha caafimaadka ee ku yaala degmada Buuhoodle.

Dhanka kale wararka ayaa  waxay intaasi ku darayaan in jawiga degaanka Kalshaale xalay uu ahaa mid laga dareemayay dagaalada halkaasi ka dhacay oo ciidamada Dowladda Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyada degaanka ay weli isku hor fadhiyaan goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, iyadoo habeenimadii xalay degaankaasi uu ahaa mid xaaladiisu ka duwaneyd sidii ay markii hore ahayd, sidoo kale waxaa la sheegay inuu hakaday dhammaanba isu socodka dadka iyo gaadiidka degaanka Kalshaale.

SomaliSwiss Buuhoodle

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: