Advertisements

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah heshiisyo ula galay shirkado Shisheeye oo Caalami ah.

Halkaan ka akhri

Sida aad ula socotaan waxaa Golaha Baarlamaanka KMG ah uu ka dalbaday xukuumadda inay u keento warbixinta iyo faahfaahinta shirkadaha shisheeye ee dalka ka howlgala oo Dowladda KMG ah heshiiska la gashay, gaar ahaan xukuumadii hore ee Cumar C/rashiid.

Golaha Barlamaanka KMG wuxuu si weyn ula yaabay markii uu Ra’iisal Wasaare Farmaajo u soo bandhigay in ka badan labaatan shirkadood oo qaarkood UN-ka hoos taga isla markaasina ka howlgala dalka, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Farmaajo ka dalbaday Golaha Baarlamaanka inuu qiimeeyo shirkad kasta faa’iidada iyo qasaaraha dalka ugu jirta, isla markaasina ay u madax banaan yihiin go’aanka ay ka qaadanayaan.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Farmaajo wuxuu Guddi Wasiiro ah kana tirsan xukuumadiisa u saaray inay baaritaano ku sameeyaan shirkadaha shisheeye ee dalka ka howlgala, waxaana guddigaasi oo uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Farmaajo shalay hortageen Golaha Baarlamaanka KMG, islamarkaana Golaha u akhriyay natiijada baaritaanada ay ku sameeyeen shirkadahaasi shisheeye iyagoo ka warbixiyay laba shirkadood oo kala ah: Shirkadda Saracen International iyo shirkadda kale ee lagu magacaabo SKA ee qaabilsan Airoporka iyo Dekedda Muqdisho.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Iskaashiga iyo qorsheynta Dowladda Federaalka KMG ah C/Weli Maxamed Cali oo isaga loo magacaabay dabagalka shirkadda Saracen International ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay howsha loo xilsaaray, wuxuuna sheegay inuu kulan kala yeeshay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan isla markaasina su’aalo ka weydiiyay inuu isagu saxiixay heshiiska Dowladdu la gashay shirkadda Saracen International, balse arrintaasi wuu beeniyay Shariif Xasan.

Md. Cabdi Weli Maxamed Cali wuxuu sheegay inuu kulan la yeeshay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed, hase yeeshee markii Madaxweynaha laga su’aalay inuu isagu saxiixay heshiiska shirkaddaasi wuu beeniyay, hase yeeshee Wasiirka waxa uu sheegay in Madaxweyne Shariif uu kula taliyay inuu tago Nairobi oo uu ku sugan yahay sarkaal la taliya Dowladda KMG ah oo ajnabi ah xiriirna la leh shirkadda Saracen International, wuxuuna Wasiirku sheegay inuu Nairobi kula kulmay sarkaalkaasi.

Md. C/Weli oo halakiisa sii wato wuxuu yiri:  “Sarkaal xiriir la leh shirkadda Saracen International wuxuu ii sheegay in Shariif Xasan oo ahaa Wasiirka Maaliyadda uu saxiixay heshiiska” wuxuu sheegay Cabdi Weli in Golaha Baarlamaanka KMG ay u taallo go’aanka ay arrintaasi ka qaadanayaan, inkastoo uusan Wasiirku faahfaahin ka bixin heshiiskaasi uu saxiixay Shariif Xasan.

Waxaa kaloo jiray in Wasiirka Dekedaha Dowladda KMG ah Axmed Cabaade oo loo magacaabay inuu dabagal ku sameeyo shirkadda SKA ee qaabilsan Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inuu soo ogaaday heshiiska shirkadaasi ay Dowladdu la gashay, wuxuuna sheegay in shirkaddu bixisay lacag dhan 1-Milyan Dollar, kharajkaas oo ah mid hordhac ah.

Sidoo kale Axmed Cabaade waxa uu sheegay in heshiiska ay Dowladdu la gashay shirkadda SKA uu dhigayo 70% dakhliga inay iyadu qaadato, halka 30% dakhliga Dowladda KMG ah qaadaneyso, wuxuuna sheegay in arrintaasi aanay Dowladdu aqbali karin, isagoo sheegay in heshiiskaasi dib loogu noqonayo.

Wasiirka Dekedaha Axmed Cabaade arrintaa sii faafaahinayo wuxuu yiri: “Waxaan ogaanay 1-Milyan Dollar oo ay bixisay shirkadda SKA laguna shubay akoon Dubai ku yaalla inuu la baxay Shariif Xasan xilligii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda” wuxuuna intaa uu raaciyey in acountiga lagu shubay lacagta uu lahaa qunsul Dowladda u fadhiya wadanka Imaaraadka kuna yaalla magaalada Dubai.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: