War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Shariif oo lagu beeniyay qoraal warbaahinta si sir ah loo siiyay oo ku aadanaa in Baarlamanaka la kala dirayo.

Halkaan ka akhri

Xafiiska Madaxweyne Shariif ayaa laga beeniyay qoraal warbaahinta si sir ah loo siiyay oo ku aadanaa in Baarlamanaka la kala dirayo.

Warsaxaafadeed – Ujeedo : Ka Jawaabid Qoraal Been Abuur ah.

Waxaa nasiib darro ah iyadoo xaaladda soomaaliya ay marayso meel aad u adag oo ubahan in lagula tacaalo xikmad, iyo xilkasnimo masuuliyadeed in saxaafadda Soomaalida qaarkeed ay qoraan qoraallo been abuur ah oo lagu kala fogeynayo dowladda qeybaheeda kala duwan iyo weliba shacabka Somaaliyed.

Waxaa maalmahan laysla dhexmarayay hadallo kutiri-kuteen ah oo sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya MudaneShariif Sh. Axmeduu kala dirayo Golaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliiyeed, hadalkaas oo ah mid aan sal iyo raad toona laheyn , looguna talagaly in khilaaf iyo fidno laga dhex abuuro heyadaha Qaranka.

Haddaba, Xafiiska Madaxweynuhu waxaa uu halkaan ku caddaynayaa in uu Madaxweynaha Soomaliya u taaganyahay ilaalinta sharciga iyo ixtiraamka Golaha Barlaamanka, isla markaana uu qadarinayo ahmiyadda uu Golaha barlaamaanku u leeyahay jiritaanka Qaranimada Soomalaiyeed.

Waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu ugu digeyaa bahda saxaafadda qarkeed ee caadeysatay faafinta hadallo xaqiiqda ka fog in ay ka wantoobaan faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo alaaaba huriya khilaaf, fidno iyo khalkhal siyaasadeed.

Agaasimaha Warfaafinta

XafiiskaMadaxweynaha

Villa Somalia

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: