Shirka Forumka dhaqaalaha Caalamka (WEF) oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Davos ee dalka Switzerland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa dorraat magaalada Davos ee dalkan Switzerlanda ka furmay Kulankii 41aad ee Forumka dhaqaalaha Caalamka oo sanad walba hal mar la qabto(WEF), waxaana Sanadkan ka soo qayb galay ergooyin dhan 2500 ee ka kala yimaaday shanta qaaradood, waxaana ka mid ah ergooyinkaas 35 Madax oo isugu jira Madaxweyne, Boqorro iyo Ra’iisalwasaariyaal, 80tan Wasiiro iyo 8 Banki dhexe ee Caalami ah iyo waliba Hay’adaha dhaqaalaha, Samafalka iyo NGOyada.

Sida caadada ah waxaa Forumkan lagu gorfeeyaa hab socodka arrimaha dhaqaalaha Caalamka iyo  horumarinta dhaqaalaha wadamada soo korayaa, waxaa kaloo si aad ah loogu hadlaa Caalamiyeenta dhaqaalaha Dunida.

Wasiirka dhaqaalaha dowladda Federaalka Switzerland Johann Schneider-Ammann ayaa sheegay inay kulmi doonaan berri oo jimcaha ah Wasiirka ganacasiga  dalka Shiinaha Chen Deming, Kadibna ay labada dowladood wada saxiixan doonaan heshiis Ganacsi oo hor ah.

Sida ay wararku ay sheegayaan waxaa maalintii Sabtida ahayd ka dhacay magaalada Davos iska horimaad u dhaxeeyey dad Mudaaharaad ay uga soo horjeeda Forumka dhaqaalahaka ka sameynayey iyo Boliiska Swisska.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Kooxdii Mudaaharaadayey ay ku kaceen falal gacan ka hadal ah, waxaay dhagayeen gawaarida Boliiska, sidoo kale waxay dhalooyin ku tuurayeen qaar ka mid ah Hotellada magaalada Davos, waxana iku dayeen inay gaaraan goobaha mamnuuca ka ah mudaaraadyada.

Mudaaraadkan oo loogu soo horjeeda Forumka dhaqaalaha caalamiga ah ayaa la sheegay inay soo abaabuleen Xisbiga Cagaaran ee magaalada Davos iyo dhallinyaro ka tirsan Xisbiga Socialista-ha.

Balse sida ay sheegatay  Micheline Calmy-Rey oo haatan ah  Madaxweynaha Kanfederaalka Switzerland in kulanka uu ahaa mid raali geliyey dowladda federaalka Swisska, waayo waxaa intuu uu socaday Forumka dhaqaalaha Caalamiga u hirgalay Mas’uuliyiinta Swisska inay kulamo iyo wada heshiisyo laba geesoodya ah ay la yeesheen wadamo kala duwan.

Madaxdii uu Swissku si gaar gaar ah ula kulmeen waxaa ka mid ahaa R/wasaaraka dalka Austria Dr. Werner Faymann, R/wasaaraka dalka Griiga Georgios Papandreou, Madaxweynaha dalka polacco Bronislaw Komorowski, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon,  Madaxa Kooxda dhibaatooyinka Caalamiga ah (International Crisis Group) Mr. Louise Arbour iyo madaxweynaha dalka colombia Juan Manuel Santos Calderón.

SomaliSwiss   Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: