Halkaan ka akhri
Ra’iisul wasaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa maanta hortagaya Barlamanka KMG, halkaas oo ay ku kulmayaan Xildhibaanada.
Ujeedada Kulankan ayaa waxaa uga weyn sidii loo dhegaysan lahaayaa Warbixinno laga sugayey inuu keeno Barlamaanka, R’iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo islamarkaaa Xildhibaanada barlamanka ay su’aalo ka waydiin doonaan shirkadaha shisheeye ee la sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay hishiiso la galeen.
Mudane Farmaajo ayaa baarlamaanka hortooda ka sharaxi doono go’aanka ay xukuumaddu ka qaadatay heshiisyo horay loola galay shirkado dhowr ah oo dalka ka howl galayay, kuwaas oo Baarlamaanku ay su’aalo ka weydiiyeen xukuumadda.
Sidoo kale R/wasaaruhu wuxuu  xalay uu wareysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda Sarasen jawaabteeda oo laga sugayay uu maanta Baarlamaanka siin doono maadaama uu dhamaaday waqtigii uu qabsaday oo ahayd  Afar todobaad.
Xildhibaan Cali Aadan Cabdulaahi oo ka mid ah mudanaasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Farmaajo mar hore wax laga waydiiyay Shirkadaha shisheeye hase ahaatee uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in uu dib ugu noqonayo shirkadaha shisheeye ee barlamanka ay horkeeneen, wuxuuna Xildhibaanka intaasi ku daray in barlamanka uu ka sugayo jawaabta shirkadaha shisheeye ee ku sugan islamarkaana ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee R/wasaaruhu wuxuu Baarlamaanka ugu baaqay in ay tixgeliyaan shaqada ay xukuumaddu qabatay ee ku saabsan Sarasen oo ahayd arrin markaasi taagan, xukuumaddu waxay burburisay heshiiska shirkadda, waxayna ku amartay in ay dalka ka baxdo, isagoo hadalkiisa ku daray in xukuumaddu ay wali waddo baaritano ku saabsan shirkadha kale ee dalka ku sugan.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.