Madaxweyne Sheikh Shariif oo kullamo la qaatay qaar kamid ah Madaxda Midowga africa oo ku kulansan magaalada Addis ababa.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Ethiopia ee Addis ababa ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda KMG soomaaliya mudane sheikh shariif sheikh axmed uu kullamo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Midowga africa waxayna kaga wada hadleen kullaankaasi uu Madaxweynuhu la qaatay Mas’uuliyiintani ka tirsan Midowga Africa arimaha Soomaaliya.

Kullaan uu la qaatay Madaxweyne shariif madaxdaa ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadii hore, haatan ah la Taliyaha dowladda xagga Siyaasadda Injineer c/raxmaan yariisoow, wuxuuna sheegay in balan qaadyo fara badanna ay jiraan.

Sidoo kale Injineer c/raxmaan yariisoow wuxuu tilmaamay in Madaxweynuhu uu kullamo la qaatay saraakiil ka kala socota beesha caalamka waxayna isla meel dhigeen arrimo dhowr ah loona soo bandhigi doono saxaafadda saacadaha fooda nagu soo haya.

Ugu dambeytii ayaa lagu wadaa Madaxweynaha dalka soomaliya sheikh shariif in uu ka hadli doono kullanka  ka socda  magaalada Addis ababa ee wadanka Ethiopia. Kaasoo lagu wado inuu xoogga ku saari doono arrimaha cakiran ee ka socda  gzdaha wadanka soomaaliya.

SomaliSwiss   Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: