Gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’uud Axmed “Tarsan” oo ugu Baaqay shacbiga Soomaaliyeed in ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”,   ayaa ugu Baaqay shacbiga Soomaaliyeed in ay sameeyaan Kacdoon ka  dhan  ah maleeshiyaadka xarakada Al-Shabaab ee dhibaatada joogtada ah ku haya Bulshada.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo arrintaas ka hadlayey wuxuu “Waxaan Shacbiga Muqdisho ugu baaqayaa inay sameeyaan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab si ay dalka ugu saraan”

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa wuxuu dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka hortagaan Al-Shabaab, islamarkaana bulshada ka dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan  kooxda Shabaab dadka soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Ma jiri karaan shacabka wax aysan raali ka ahyn , bal fiiri waxa ka dhacaya Maser ama ka dhacay Tunisia, waa shacab go’aan qaatay, annagana sidaas ayaa nalaga rabaa si aan uga guuleysano kuwa nagu soo duulay”.

Dhanka kale Gudoomiye Tarsan ayaa wuxuu ka codsaday  haweenka iyo dhallinyarada in ay hogaamiyaan kacdoon shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab si taariikhdu ay u xusto kaalinta dahabiga ah ee ay ka qaadan karaan nabad iyo isbedel ka dhacda waddanka.

Hase yeeshee wuxuu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”,   u sheegay in gordhow talaabo cad laga qaadi doono Askarta waddooyinka magaalada hubka ku sidata, wuxuuna sheegay in qorshaha Dowladda uusan ahayn in shacabka la qalqal geliyo balse loo baahan yahay  in shacabka laga badbaadiyo kuwa dhibka ku haya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: