Halkaan ka akhri
War Saaka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ay fariisin cusub ka samaystay Isgoyska Ex-Kontorl Agooye, waxaana la arkayaa Ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka oo halkaasi ilaalo xooggan ka haya.
Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa waxay beryahaan wadeen howl ballaaran oo ay ku doonayaan inay isku fidiyaan Magaalada Muqdisho,hase ahaatee Ciidamada Midowha Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay inay soo gaareen ciidamo cusub hor leh oo gaaraya ilaa kun askari.
Balse Fariisinkaan Cusub ee Ciidamada AMISOM ayaa ah mid salka ku haya howlaha Ciidamadaasi ay ka hayaan Muqdisho ee ah sugida amniga Caasimada Muqdisho oo ay iyagu u xilsaaran yihiin.
Si kasta ahaatee degitaanka Fariisinkan Cusub ee Ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaya xilli waqti kordhin loo sameeyay mudada ay joogayaan Soomaaliya, sidoo kale arrintan ayaa waxay ku soo aadaysaa xilli dalka Itoobiya loo fadhiyo sidii Ciidamadasi loogu fasaxi lahaa inay nabadda si xoog ah ku dhaliyaan.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.