Siminaar ballaaran oo magaalada Gaalkacyo uga furmay qeybaha bulshada iyo Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljameeca ee gobolada Dhexe.

Halkaan ka akhri

Siminaar ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Hey’adda Wada Hadalka Bulshada (CCD) oo ay daadihinayeen Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljameeca ayaa maanta ka furmay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana Siminaarkan ka qeyb qaadanaya in ka badan boqol ruux oo ka socota qeybaha bulshada, Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe, waxaana siminaarkan lagu qabtay Hotelka lagu magacaabo Embassy.

Sida lagu soo warramay Ajandaha siminaarkan ayaa ahaa mid looga hadlayay xaalada dalka iyo sidii umadda Soomaaliyed loogu hogaamin lahaa dariiqa saxda ah ee Diinteena muqadaska ah.

Siminaarka ayaa waxa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka kala socotay Maamulka Goboleedka Galmudug, Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ee Gobolada Dhexe iyo xubno kale oo lagu casuumay.
Ugu horeyn siminaarka ayaa waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka, iyadoo kadib la guda galay khudbadihii mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay.

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Maamul Goboleedka Galmudug Sheekh Xijaas Macalin Maxamed oo furay siminaarkan ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimada uu leeyahay, waxaana uu bogaadiyay Hey’adda CCD tallaabada ay horay ugu qaaday in Siminaaro iyo aqoon is weydaarsiga.

Sidoo kale waxaa ka hadlay siminaarka Madaxa waxbarashada Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh Muxiyadiin Sheekh Yuusuf Barre oo isna ku tilmaamay siminaarkan inuu yahay mid muhiimad u leh isu imaatinka Culimada Ahlusuna, isagoo sheegay inay ka soo bixi karaan in Culimada shacabkooda ku hogaamiyaan wadada saxda ah.

Waxaa kaloo seminaarkaas hadal ka jeediyay Gudoomiye Kuxigeenka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe  Macalin Aadan Maxamed Jimcaale oo isna ku dheeraaday sida xilligan faham qaldan looga bixinayo Diinta, waxaana uu tilmaamay inay soo baxeen kooxo marin habaabinaya caruurta soomaaliyed ee meel walba ugu tagaya, sida uu yiri.

Sidoo kale Macalin Aadan ayaa tilmaamay in kooxo maqaarka soomaali ka ah ay ku adeeganayan kuwo dambiilayaal ah oo uu qeexay in dalal kale dambiyo ka soo galeen.

Waxaa kaloo siminaarkan hadal dheer ka jeediyay Gudoomiyihii hore Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Cumar Maxamed Faarax oo ku dheeraaday ammaanta iyo mahad celinta Hey’adda CCD qaban qaabdii ay ka geysatay in Siminaarka uu ka furmo Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Sheekh Cumar Maxamed Faarax  ooo ka hadlay Seminaarkaas wuxuu yiri: “Aan ku hogaaamino Diinteena saxda ah Umadeena shacabka, waxaa nahay Culimada ehelka u ah, waxyaabaha dalka ka jira, waxaan aheyn marjacii loo laabanayay waana Culimada”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Sheekh Cumar Maxamed Faarax in isu imaatinka Culimada ay tahay in lagu cadeeyo fahamka saxda ee Diinta, isagoo sheegay inay jiraan kuwo diinta faham qaldan ka bixinaya.

Hase ahaatee Sheekh Cumar Maxamed Faarax oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Culimada waxay u taagnaayeen labaatankii sano qalbi nadiif ah ayagoo wax u sheegayo, muhiimad dad runtii diinta faham iyo faham xumo aan shaqo ku laheyn ayaa hadan intee yimaadeen oo ay dhaheen waxaa jira dal la yiraah Soomaaliya, dadkiisa waalan yahay, aan qaribno waa dad Caalami ah oo aduunka ka yimid oo dambiilayaal ah, dalalkooda ay baacsanayaan”.


Dhanka kale Sheekha ayaa ku baaqay in la badiyo dadaalka iyo wacyi gelinta si looga hortago fahamka qaldan ee diinta laga bixinayo, isagoo sheegay in dhalinyarada Shabaab ka mid ah ay Culimada Ahlusuna u ahaayeen dadka waalidiintooda isku mehriyay, hadana loo adeegsanayo wadooyin qaldan sida uu yiri.

Sheekh Cumar wuxuu intaas sii raaciyay “Siyaasada dalka labaatan sano kadib waxay ku socotaa meel aad u xun, waad aragtaan colaadaha iyo dhibaatada gaamuray ee dalka ka jira, inay jiraan kooxo wax magarato dhiig miirato ah oo shacabka leynaya”.


Khudbadiisa kadib ayaa waxaa siminaarka loo guda galay qeybtii dooda iyo baraarujinta oo dhalinyarada iyo Culimada ka soo qeyb galay siminaarka ay isku dhaafsadeen ra’yi iyo ajandaha siminaarka oo ahaa ujeedadiisa sidi Umada Soomaaliyed loogu hogaamin lahaa wadada saxda, waxaana qeybo qeybo loogu qeybiyay Dhalinyarada iyo Group-yo laga soo saaray qodobadii looga hadlay siminaarka.

Ugu dambeyn ayaa waxaa siminaarka soo xiray Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug Cowke Sheekh C/raxmaan oo ugu horeyn uga mahad celiyay Hey’adda CCD dadaalka ay isugu keentay Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna, isagoo sheegay in ka soo qeyb galkiisa siminaarkan ay faa’ido iyo muhiimad u aheyd, isagoo xusay in dad aanay horay isu arkin ay Hey’addu suura gelisay inay maanta isku arkaan siminaarka.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Mr Cowke Sheekh C/raxmaan ayaa sidoo kale waxaa uu mahad celin u jeediyay Ahlusuna, isagoo sheegay inay soo dadaaleen, isagoo ku dhiira geliyay inay dadaalkooda meesha ka sii wadaan.

Mr Cowke ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay faa’idooyinka laga dhaxlay siminaarka gaarsiiyaan dadka kale, ee aan u suura gelin inay ka soo qeyb galaan, waxaana uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in wixii la faa’ideysto la gaarsiiyo dad kale.

“Waxa saaka meesha isku yimid waa isku caqiiqo, waa dad muslim ah, waxyaabaha laga faa’iday waxaan ku baaqayaa in la xoojiyo xiriirka sidii dada kale loo gaarsiin lahaa”ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyaga ka wakiil yihiin Mushtamaca deegaanada, ayna had iyo jeer diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan siminaraacada iyo wacyi gelinta ku aadan doorka Culimada ee dalka iyo dadka ugu hogaamineyso wadada saxda iyo fahamka runta ah ee diinta Islaamka.

Waxaa uu ugu dambeyn mar kale u mahad celiyay howl wadeenada Hey’adda CCD, isagoo ka dalbaday inay badiyaan doorarka ku aadan siminaarada sare loogu qaadayo dhalinyarada ee lagu fahamsiinayo fahamka diinta saxda ee saliimka ah.
Si kasta ha ahaatee Siminaarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Hey’adda Wada Hadalka Bulshada ay meel ka baxsan Magaalada Muqdisho ka furto, iyadoo uu qeyb ka ahaa balan qaadyadii Hey’adda sanadka cusub ee ahaa inay sii laba laabeyso howlaheeda ay bulshada ku gaarsiineyo fariimaha nabada iyo wacyi gelinta, kaasoo ay ka sii wadi doonto Gobolada dalka Soomaaliyed.

SomaliSwiss    Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: