QM oo sheegtay in aysan awood u laheyn in ay kaalmo siiso dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.

Halkaan ka akhri

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan awood u laheyn in ay kaalmo siiso dhammaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha daran ku habsadeen.

ergayga arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu sheegay inay yihiin kuwii ugu darnaa abaaraha hada ku dhuftay Soomaaliya ilaa shantii sano ee la soo dhaafay.

Mark Boardan oo ah ergayga arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu eedeyn kulul dusha ugu tuuray xarakada Al-Shabaab in ay horistaag ku sameysay in gargaar loo qeybiyo dadka abaaraha daran ay ku saameeyeen gobalada Soomaaliya.

Sidoo kale Mark Boardan wuxuu sheegay in aysan suurtagal aheyn in lala galo wax wada hadal ah xarakada Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay aaminsan yihiin in aysan waxba u taraynin shacabka gargaarka dibada ka imaanaya.

Dhanka kale wuxuu walaac xoogan ka muujiyay sida ay uga sii darayso xaaladda bini’aadanimada ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey in dadku ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Si kasta ah ahaatee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la raadiyo xal suuragal ah si aysan u sii barakicin dadka abaaraha daran ee jira dartood, waxayna ku baaqday in aad looga shaqeeyo in hoos loo dhigo qiimaha raashiinka oo mudooyinkii u dambeeyay kor u sii socday.

SomaliSwiss    New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: