Madaxweyne Sheikh Shariif oo maanta u duulay dalka Ethiopia, si uu uga qayb galo shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa saaka ka dhoofay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynuhu u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadkan.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha uu halkaas  ka jeedin doono fadhiga Midowga Afrika ee ka furmaya Addis Ababa maalinta berri, khudbad dhinacyo badan taabaneysa ee uu uga hadli doono xaalada Soomaaliya oo qeyb ka ah ajandayaasha shirka.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada ee Afrika ayaa xalay lagu soo gaba gabeeyay Addis Ababa, kaasoo horu dhac u ahaa shirka Madaxda Afrika.

Shirka Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sanadkan ah mid xasaasi ah, kaasoo ajande badan loogaga hadlayo oo ku aadan qalalaasaha xilligan ka taagan Dalalka Afrika.

Waxaa la sheegay in Ajandayaasha shirka ay ku soo biiray xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Tunisia, Ivory Coast, Doorashadii Koofurta Sudan, qalalaasaha iyo Rabshadaha dalka Masar oo kaalin weyn ay ka geli doonto shirka

Sidoo kale waxaa maalintii labaad socda shirkii heerka wasiiro ee Midowga Afrika oo ka socday magaalada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Omaar iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen La Taliyaha (Senior Advisor) ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa waxey labdii casho ee 27ka iyo 28ka Janaayo la qaateen kulamo gaar gaar ah qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka soo qeybgashay shirka kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dalka Japan, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Australia, ku xigeenka Guddoomiyaha AU, Wasiirka Arrimaha Dibedda Pakistan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Gabon, Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa dhammaan kulammadii gooni gooniga ahaa waxuu ku siiyey warbixin xaaladda waddanka, horumarka Xukuumadda Cusub ay ka sameysey xaga amniga, dhaqaalaha iyo Transitional tasks oo ay ku jirto Dastuurka qabyada ah. Dhammaan mas’uuliyiintii la kulmay waxay wada sheegeen inay aad ula socdaan xaaladda dalka isla markaana ay daneynayaan inay wax ka geystaan howlaha xilliga kala guurka ah si dalka Somalia looga saaro xaaladda uu ku jiro.

Hase yeeshee Mas’uuliyiintii lala kulmay waxey caddeeyeen in Soomaalida laga rabo inay la yimaadaan dadaal iyo dardargelin sidii looga gudbi lahaa waqtigan kala guurka ah, iyagoo wada xaqiijiyey in caalamku uu caawin karo oo kaliya, laakin xalka rasmiga ah laga rabo Somalida.

Ugu danbeynii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa u caddeeyey dhammaan mas’uuliyiintaas in Xukuumadda, Madaxweynaha iyo Baarlamaankaba ay ka wada shaqeynayaan sidii marxaladan kala guurka ah looga bixi lahaa si transparent ah oo keeni kara kalsooni Dowladda KMG dhexdeeda iyo kalsooni siin kara shacabka soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee  mas’uuliyiinta waxay sheegeen in xaaladda dalka ay u baahan tahay in caalamku ay gacan weyn ka geystaan sidii loola dagaali lahaa argagaxisada, si dalka nabad loogu soo celiyo.

SomaliSwiss     Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: