Madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubaarak oo si dabacsan ula hadlay dadweynaha Masar, kadibna kala diray xukuumada dalkaasi.

Halkaan ka akhri

Madxweynaha dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa wuxuu maanta barqadii shir jaraa‘id ku qabtay magalaada Caasimada ah ee Qaahira, wuxuuna sheegay in xukuumadii uu kala diray, islamarkaasna uu shaaciyey in beri la soo dhisi doono xukuumada cusub.

Go,aanka Madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa yimid kadib markii dadweynaha dalka Masar ay bilaabeen kacdoon iyo mudahaaradyo oo rabshado xoog badan wato sameynaya, kana  codsanayaan in Xusni Mubaarak uu ka dego Xukunka.

Shacabka dalka Masar ayaa arinkaan ku dhaqaaqay ka dib makii  ay arkeen in shacab dalka Tuniza oo caraysan ay taladii ka tuureen Madaxweynihii dalkaas ka dib banaan baxyo iyo iska horimaadyo mudo toddobaadya ah hareeyey dalka Tunisia

Sida ay sheegeen Warbaahinta dalka Masar in Madaxweyne Xusni Mubaarak uu  markii ugu horeeysay uu dadweynaha Masar u jeediyey khudbad aad u dabacsan oo uu ku dejinayo isagoo shacabka ugu baaqay in ay amaanka dalka ilaaliyaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka Masar lagu arkayey dadweyne aad u badan oo safan jidadka lagu soo daayey ciidamo Milateriga dalka Masar oo aad u hubaysan, si ay u qaboojiyaan dadka ka careysan Xukunka iyo Awooda mudada dheer uu gacanta ku hayey Madaxweyne Xusni.

Si kasta ha ahaatee waxaa Dhacdadan ka hadlay Madaxweynaha dalka Maraykanka Mudane Obama, wuxuuna  ugu baaqay Madaxweynaha dalka iyo ciidanku in ay xaq dhowraan dadka banaanbaxaya si rayigooda ay si xornimo ah u cabiraan, una sheegaan waxa keenay Kacdoonda Bulshada reer Masar.

SomaliSwiss     Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: