Safiir cusub oo ay Ethiopia u soo magacowday dalka Soomaaliya, soona gaaray magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dowlada Ethiopia ayaa waxaa ay Safiir cusub usoo magacowday dalka Soomaaliya, kaas oo ku shaqeyn doono safaaraddooda ku taal caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Safiirka ay dowladda Ethiopia usoo magacowday Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uuMaanta gaaray magaalada Muqdisho, waxaa uuna kulan la qaatay qaar ka tirsan madaxda dowlada KMG Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Sheikh Shariif.

Safiirkan cusub ee dowladda Ethiopia ay soo magacowday oo hadalkooban ka jeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in ay bilaabi doonaan howsha safaaraddooda, isla markaana ay dar dar galin doonaan.

Si kasta ha ahaatee Safiirkan oo lagu magacaabo C/casiis Axmed Aadan oo ah nin kasoo jeeda Soomaaliya Ethiopia ayaa noqonaya Safiirkii labaad ee ay dowladda Ethiopia  usoo bagacowdo dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: