Wasiirada Arrimaha dibedda Afrika oo Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu uga furmay magaalada Addis Abeba.

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay Shir uga furmay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia Wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada Afrika, waxaana shirkass  looga hadlayey  arrimaha amaanka dalka Soomaaliya, sidoo kale shirkaas ka soo yeeray baaq lagu xoojinayo sidii  loo  kordhin lahaa tirada ciidamada nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee jooga soomaaliya.

Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow oo ah La taliyaha  R/wasaaraha ee dhinaca Warbaahinta ayaa sheegay in Shirkaasi looga hadlayo in la gaarsiiyo tirada ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ilaa iyo Laba iyo Toban Kun, taasi oo mar hore ay  ansixiyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Eng Yariisoow ayaa wuxuu  intaa raaciyay in gudoomiyaha Midowga Africa uu sheegay in Midowga Africa ay qorsheeynayaan in la gaarsiiyo tirada ciidamada Amisom ilaa Labaatan Kun.

Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arimaha dibada ee Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, waxaana la sheegay in uu halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan arimaha Soomaaliya iyo dadaalada ay Dowladda KMG ay ugu jirto dib u soo nooleeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay wax uga qabtaan amaan darida ka taagan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: