Madaxweyne Faroole oo xilalkii ka qaaday wasiiradii taageersanaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya, isla markaana magacaabay wasiiro cusub.

Halkaan ka akhri

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa ka soo saaray war qoraal ah, kaas oo uu ku magacaabay wasiiro Cusub oo iyagu  u ololeeya mowqifka cusub ee uu Faroole ku doonayo in ay uga go’aan dowladda Soomaaliya, iyadoo digreetadaasi sidoo kale xilalka looga qaadayay Wasiiradii horey u shaqeynayay ee iyagu taageersanaa wada shaqeynta Soomaaliya.

Wareegtadan ayaa kusoo aadeysa wakhti yar kadib markii uu maamul goboleedka Puntland iyo dowladda KMG Soomaaliya uu soo kala dhex galay khilaaf aad u weyn, iyadoo maamulka Faroole uu horay ugu ololeyn jiray in ay xiriirka u jaraan dowladda KMG Soomaaliya, balse ay jireen xildhibaano iyo wasiiro katirsanaa maamul goboleedkaasi oo iyagu kasoo horjeeday mowqifkaasi.

Liiska Wasiirada xilka qaadista uu ku samayay madaxweyne Faroole ayaa waxaa kamid ah.

1. Wasiirkii Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka – Cabdixakiim Axmed Guuleed
2. Wasiirkii Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga – Maxamed Nuur Caga-weyn
3. Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka – Xassan Cabdi Maxamed
4. Wasiirkii Duulista Hawada iyo Garoomada – Axmed Cilmi Cismaan Karaash

Liiska wasiirada cusub iyo wasaaradaha loo magacaabay.

1. Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka – Axmed Cali Askar
2. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada & Isboortiga – Cabdi-weli Xirsi Cabdulle
3. Wasaaradda Beeraha & Waraabka – Maxamuud Xaaji Saalax
4: Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada – Cali Axmed Gamuute

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale magacaabay wasiir ku-xigeeno, iyadoo wasiirada qaar la magacaabay ay horay xilal kala duwan uga soo qabteen maamulka, waxaana wasiir-ku-xigeennada la magacaabay ay kala ahaayeen:

1. Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada – Maxamuud Maxamed Idris
2. Wasiir-ku-xigeenka duulista hawada iyo garoomada – Faarax Seed Cilmi
3. Wasiir-ku-xigeenka degaanka, duur-joogta iyo dalxiiska – Burhaan Cilmi Xirsi
4. Wasiir-ku-xigeenka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo isboortiga – Cismaan Cawad Cali
5. Wasiir-ku-xigeenka beeraha iyo waraabka – Axmed Cigaal Cawaale
6. Wasiir-ku-xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka – Faarax Cali Cabdi

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: