Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa xalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safaro dhawaan uu uga maqnaa dalka dibadiisa, isagoo ay wehliyeen wafdi ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Sheikh Shariif waxaa uu booqasho labo maalin qaadatay uu ku joogay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, iyadoo kulamo kala duwan uu lasoo qaatay madaxda dalkaasi oo uu kamid ahaa Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri  Musafeni, kuwaasi oo uu kala soo hadlay sida la sheegay waxqabadka ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kakle Madaxweyne Sh. Shariif ayaa la sheegay in Madaxweyne Yuweri Musafine uu kala hadlay sidii ay u dar dar galin laheyd dowladda Uganda taageeridda dhinaca amaanka ee dowladda KMG iyo sidii ay ugu gacan siin lahayn ladagaalanka kooxaha Mucaaradka oo inta badan weerara fariisimada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale ciidamada ka socda dalka Uganda waxaa ay kamid yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo taageera dowladda KMG Soomaaliya, waxayna ilaaliyaan xarumaha dowladda iyo meelaha ay degan yihiin madaxda ugu sareeysa dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: