Amiirka xarakada Al-Shabaab oo fariin u jeediyay maamulada Al-Shabaab, in dadka aan si xun loo tusin Diinta Islaamka.

Halkaan ka akhri

Amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheikh Muqtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr) ayaa waxaa uu fariin  u jeediyay maamulada Al-Shabaab ee jira Gobollada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, in dadka Soomaaliyeed si xun loo tusin Diinta Islaamka.

Hoggaamiyaha Xarkada Al-Shabaab ayaa soo diray fariin Cod ah oo inteeda badan ku aadaneyd Mas’uuliyiinta Maamulada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee Al-Shabaab, waxaa uuna ugu horeyntii ugu baaqay in aan la dhibaatayn shacabka Soomaaliyeed ee ay Maamulayaan.
Abuu Zubeyr ayaa wuxuu sheegay in dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolada ay ka taliyaan Al Shabaab ay yihiin kuwa iminka dhibaatooyin ba’an ku haya abaaraha ka jira dalka, isagoo sheegay in Maamulada Shabaab looga baahan yahay in dadkaasi aan la dhibaatayn islamarkaana aan sixun loo tusin diinta Islaamka.

Amiirka Xarakada Al Shabaab Sheikh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “ Waxaan idin soo gudbinaynaa fariin ku saabsan Maamulada Wilaayaadka Islaamiga, kuwaasoo xil wayn uu  ka saaran yahay wanaajinta diinta ee ma ahan  in dadka ay u nacaan Diinta Alle, falal ay maamulada qaarkood ku kacaan, balse hab dhaqanka Al shabaab inuusan u noqon mid Umadda diinta ka fogeeye”.

Sidoo kale Amiirka Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa uu ka hadlay cadaaladda oo ah inta badan sida uu sheegay mid looga baahan yahay inay ku dhaqmaan Mas’uuliyiinta iyo Mamaulada Al Shabaab, wuxuuna ugu baaqay Maamuladaasi inaysan ka leexan cadaaladda, hase ahaatee wuxuu carabka ku dhiftay in cadaaladda ay tahay shayga ugu muhiimsan ee dadka lagu hoggaamin karo.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo baxay Amiirka Xarakada Al Shabaab Sheikh Muqtaar C/raxamaan Abuu Zubeyr ayaa ku soo beegmaya xili dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolada ay gacanta ku hayaan Shabaab ay maalmihii u dambeyay ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay ku hayaan ciidamada Shabaab, waayo inta badan Maleeshiyooyinka Al Shabaab ayaa waxay dadka rayidka ah ku sameeyaan falal ka baxsan dhaqanka iyo Shareecada Islaamka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: