Wasaarada Arrimaha dibadda Australia oo ka digtay weerar is-qarxin ah oo ay Al-Shabab ku qaadi doonto Shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Halkaan ka akhri

Warka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Australia ayaa digniin xoog badanka soo saartay weerar Is- qarxin ah oo lagu qaadi doono Shirka madaxeedka Midowga Afrika ee todobaadka soo socda ka furmi doona Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Sidoo kale  digniin qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradaas ayaa lagu sheegay inay heshay xog ku aadan weeraro ay Al-Shabaab ku qaadayaan Shirkaas, iyadoo qoraalka lagu sheegay in xogtaas laga helay Saraakiisha reer Galbeedka ee ku sugan Addis Ababa.

Dhanka kale Shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadlaha ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalalka Afrika, iyo saraakiil iyo diblomaasiyiin Caalami ah, kaas oo lagu gorfeyn doono Xaalada Afrika iyo colaadaha ka jira.

Balse digniinta ka soo baxday dalka Australia ayaa sheegaysa inay suura gal ka dhigeysa in Xarakada  Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida weeraradaas ku qaadi karaan dalalka deriska, iyadoo bishii Julay ee sanadkii hore labo weerar oo is-qarxin ah lagu ku qaaday Magaalada Kampaka ee dalka Uganda.

Hase yeeshee Dowladda Ehiopia ayaa wax war ah ka soo saarin digniinta ka soo baxday Australia, iyadoo marka la gaaro xilligan ay Itoobiya ay adkeyso Ammaanka Caasimada Addis Ababa iyo Magaalooyinka si loo suga ammaanka shirka Midowga Afrika.

SomaliSwiss  Sidney

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: