Advertisements

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyay safarro uu ku kala soo bixiyey dalalka Mareykanka, Talyaaniga iyo Imaaraadka Carabta.

R/wasaare Farmaajo  oo safarkiisa ka gadlayey wuxuu yiri: “Safarradeygu, wuxuu kusoo dhammaaday guul,” wuxuuna intaas ku daray: “Markii aan tagay New York, waxaan kulammo la qaatay xubnaha UN-ka sida xoghayaha guud Ban K-Moon, waxaana kala hadlay xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan, waxayna ballanqaadeen inay gacan siin doonaan shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Mudane Famaajo, wuxuu sheegay in madaxdii uu la kulmay, ay weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen sida lagu gaarsiin karo gargaarka goobaha ay ka taliyaan Xarrakatul Shabaab, isagoo sheegay inuu ku jawaabay in marka hore xoogga la saaro goobaha ay dowladdu maamusho, markaas kaddibna loo gudbo goobahaas.

R/wasaaruhu wuxuu sheegay inuu u sharraxayay xaaladda ammaanka ee dalka, hase yeeshee wadamadii uu tegay waxay u sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda gacan ka siiyaan sidii ay ammaanka dib ugu soo celin lahayd.

Mudane Farmaajo oo hadalkiisa sii wato wuxxu yiri:  “Talyaaniga iyo Imaaraadka oo aan safarradaydii labaad ku tagay, waxay ballan-qaadeen, inay gacan naga siinayaan wax walba oo aan u baahan nahay, balse waxay nagu xireen inaan noqonno dowlad dadkooda u si daacad ah ugu shaqeeya, oo wixii lagu aamino toos u gaarsiiyo shacabkooda, taasna waan u ballqaadnay, waayo horay ayaan ugu dhaaranay”.

Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya, wuxuu sidoo kale sheegay dalka Imaaraadka Carabta uu diyaar yahay inay gacan ka geystaan sidii ay dadka Soomaaliyeed loo gargaari lahaa, ayna qayb uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

“Imaaraadka Carabta, waxay amaaenee xukuumadda Soomaaliya, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka iyo gargaaridda dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya,”sidaas waxaa yiri  ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG ah.

Dr. Farmaajo, wuxuu sheegay in R/ wasaare Silvio Berlusconi uu u sheegay inay muddo badan dowladda Taliyaaniga ka jiifeen arrimaha dalka Soomaaliya, balse ay haatan dhexda u xiranayaan sidii ay hormuud ugu noqon lahaayeen in la gargaaro Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: