Advertisements

Puntland oo ka dhawaajisay xallinta qilaafkii soo kala dhax galay Hay’adaha Samafalka Caalamiga.

Halkaan ka akhri

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa Maaamulka Puntland in ay xaliyeen qilaaf soo kala dhax galay Hay’adaha samafalka Caalamagi ah ee ka howlgali jiray deegaanada ay ka taliyaan Maamulka Puntland.

Arrintan ayaa timid kadib markii kulan ku yeesheen magaalada Garoowe Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole iyo xiriiriyaha arimaha bini’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay Mike Bowdhan ayaa waxaa ay kawada hadleen qilaafka xiligaan ka dhaxeeya Hay’adaha gar gaarka iyo Maamul goboleedka Putnland.

Sidoo kale Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in lasoo gaba gabeeyay qilaafkii ka dhaxeeyay Puntland iyo Hay’adaha samafalka , isagoo sheegay in Hay’adaha ay bilaabi doonaan sidii ay ugu gurman lahaayeen dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaanada ay ka taliyaan Mamaulkaasi.

Dhanka kale Mike Bowdhan xiriiriyaha arimaaha bini’aadanimada u qaabilsan Qamarada Midoobay oo isgana halkaasi hadalo kooban ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in Hay’adaha gar gaarka ay u taaganyihiin mar waliba inay caawiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool dunida, wuxuuna tilmaamay inay qaadi doonaan talaaboyin ay ku gar gaarayaan dadkaasi.

Labada Mas’uul Kulankooda wuxuu ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa uu imaanayaa kulan ayaa waxaa faa’ido u ah deegaano aad u farabdan oo ka tirsan Puntland oo ay ka jiraan abaaro baahsan oo xiligaan saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: