Advertisements

Madaxweyne Sheikh Shariif oo maanta gaaray magaalada Kampala, lana kulmay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG Somaliya Shariif Sheikh Ahmed  oo shalay booqasho  qarsoodi ku gaaray Magaala madaxda dalka Uganda ee Kampala.

Madaxweynahu wuxuu la kulmay   Doctor Crispus Kiyonga oo ah wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Uganda, Waxaa kale uu maanta la kulmay  Madaxweynuhu Lieutenant General  Wamala Katumba oo ah taliyaha ciidamada dhulka.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa waxaa la filayaa inuu maanta   la kulmo  Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ku saabsan iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dowladod.

Madaxweynaha Sh. Shariif ayaa sheegay in  muhiimadda kulankaan ay tahay sidii loo xoojin lahaa  xiriirka labada dal.

Dhanka kale kulankii ugu danbeeyey ee ay labada Madaxweyne wada kulmaan wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho markuu kal hore uu booqasho ku yimid Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss  Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: