Advertisements

Xeer Ilaaliyihii guud ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo ay xalay kooxo hubaysan dileen.


Halkaan ka akhri

Kooxo Dablay ah oo ku hubaysnaa Bistoolado ayaa waxay xalay dileen Allaha u naxariistee C/qaadir Jaamac Caaqil Nugaal oo xilli salaada Cishaha uu ka soo baxay ay dhalinyaro ma naxayaal Bistoolado wadatay ay rasaas kula beegsadeen afaafka hore ee masjidka.

Sida lagu soo warramay Xeer ilaaliyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka soo baxay Masjid ku yaala Xaafada Garsoor Ee Magaalada Galkacyo halkaasi oo saddex dhalinyara ah ay rasaas ku fureen, ka dibna uu u dhintay Xeer Ilaaliyaha.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilkan uu ahaa mid qorshaysnaa, waxaana la aaminsan yahay in raggan ay ku sugayeen banaanka masaajidka si ay u dilaan Xeer Ilaaliyaha guud ee G/Mudug.

Hase yeeshee dilkan ayaa ahayn midkii ugu horeeyay ee loo gaysto mas‘uul ka mid ah Maamulka Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Maamulka Puntland oo marar badan rag muhiim ah looga kala dilay Boosaaso,Gaalkacyo iyo Magaalada xarunta ah ee Garoowe.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: