Advertisements

Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa Xalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dagaalo xoogan oo saakay markale dib uga bilawdeen qeybo ka mid ah, dagaalkaasi oo u dhaxeeyey ciidamada Dowladda iyo Xarakada Alshabaab.

Sidoo kale dagaalka saaka dib uga bilowday magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac intuba leh, wuxuuna ka dhacay degmooyinka Magaalada Muqdisho, sida Xaafadda Siigaale, Wadada Shaqaalaha iyo Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Hase yeeshee waxaa lagu soo warramay in dagaalkan xoogiisa uu ka dhacay saakay, waayo waxaa labada dhinac ee dagaalamayey ay isku adeegsanayeen hubka kala duwan oo culculus.

Balse ilaa iyo haatan waxaa la soo sheegay inay 2 qof ay ku dhimateen dagaalkan, sidoo kale in tiro badanna ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo dadka shacabka ah u badnaayeen,waxaa sidoo kale aan la ogeyn dhimashada waddooyinka qaar ay dad rayid ah rasaas wiifto ah ku dishay.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalkan ayaa bar bar socday Madaafiic xoogan kuwaas oo ku dul hoobaneysay xaafadaha Magaalada Muqdisho, bacdamaa dagaalku saakay waabarigii uu dhacay.

Xaaladda ayaa la sheegayaa in barqadnimadii Saaka ay yare xasilooneyd inkastoo  dadkii ku noolaa xaafadaha ay dagaaladu ka dhaceen ay walwal ku jireen, kuwaa oo ka baqanaya in madaafiicda iyo rasaasta lays waydaarsanayo haleesho.

Muqdisho ayaa nolol maalmeedkeedu noqday hubka iyo Madaafiicda maalinkasta la isku garaacaya, waxana xilli waliba la filan karaa in dagaalka uu dhaco, maadaama labada dhinac ku dagaalamaya magaalada Muqdisho oo ah Dowladda KMG Soomaaliya iyo xarakada Alshabaab ay isku horfadhiyaan qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: