HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Bulshada ku nool  magaalada Buuhoodle ee Gobolka Sool ayaa  la sheegay inay shalay isugu soo baxeen banaanbax  ay ku taageerayaan  Midnimada Soomaaliya, waxana taasi ay  ku tilmaameen inay tahay Muqadas.
Bannaanbaxan ayaa yimid kadib markii Maamulka Puntland uu ka soo yeeray hadal burburinaya Midnimada Soomaaliya, waxaana hagal kan la mid ahna hore u shaacisay Maamulka Somaliland, in ay go’day Soomaaliya inteeda kale.
Sidoo kale Banaanbaxayaashan ayaa waxay soo qaateen Calanka Astaanta u ah Midnimada Soomaaliya, waxaana ay daaha ka qaadeen in aanay marnaba raalli ka ahayn kala go’itaanka dalka Soomaaliya, hase ahaatee waxay dalbadeen in la dhowro Midnimada dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka soo abaabulay Banaanbaxa oo halkaas ka hadlay ayaa waxaa ku jiray Odayaal da’ah oo dalka soomaaliya xurnimadiisa u soo dagaal galay, waxayna dalbadeen in la dhowro Midnimada islamarkaana ay Muqadas tahay Midnimada guud ee dalka Soomaaliya.
Bannaanbaxayaasha oo si aad ah u qiiroodeen ayaa waxay ku dhawaaqayeen “Somaliland ma naqaano..Puntland ma naqaano..iyo Erayo kale” waxayna taageerayeen Midnimada dalka Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee Banaanbaxa ayaa yimid xilli dowlada Soomaaliya ay dusha sare ka eeganayso hadal ka soo yeeray Puntland oo u muuqanayay mid la mida wadadii ay go’itaanka ugu dhawaaqday Somaliland oo hada dowlad ahaan u dhisan islamarkaana aqoonsi raadis ku jirta.
SomaliSwiss Buuhoodle
Filed under: Wararka |
You must be logged in to post a comment.