Advertisements

Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo ku geeriyootay madfac maanta ku dhacay guri ay ku jireen oo ku dhex yaala Suuqa Bakaaraha.

Halkaan ka akhri

Madaafiic ay ciidmadsa Amisom ku garaaceen xaafado katirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Suuqa Bakaarah ayaa mid kamid ah waxaa uu saaka ku habsaday guri ay ku jireen Saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Sida lagu soo waramay madafaca ayaa ku dhacay guri ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab, waxaana isla goobta ku geeriyooday Sedex Saraal, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Warar xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Suuqa Bakaaraha ayaa xaqiijiyey dhimashada sadex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib marki uu ku dulhabsaday madfac guri ay ku sugnaayeen.

Madfacaasi ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacay sideed kale oo ka tirsan isla xarakada Al-Shabaab, iyadoo dhaawacoodana lagu daweynayo goobaha caafimaadka ee ay Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha Suuqa Bakaaraha.

Illaa iyo iminka helin magacyada saraakiishaasi dhimatay iyo kuwa dhaawacmayba, hase yeeshee waxaa ay wararka aanu heleyno ay sheegayaan in ay ku jireen laba nin oo muhiim ah oo ka tirsanaa kuwa xarakada Al-Shabaab u qaabilsan maamulka gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee wali kama aysan ka hadlin Al-Shabaab qasaaraha saakay kasoo gaaray duqeyntaasi, sidoo kale dowladda KMG Soomaaliya weli kama aysan hadlin dagaalada maanta ka socdo magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: