Advertisements

Gudiga gargaarka Baarlamaanka oo sheegay in dadka abaaraha ku habsatay loo qeybin doono kaalmada soo gaartay dowladda.

Halkaan ka akhri

Gudiga gargaarka bini’aadanimada ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ka war bixiyay deeg dowladda gacanta ay ku hayso oo loo qeybinayo dadka abaaraha ay ku habsadeen.

Sida uu sheegay Xildhibaan ka tirsan ah gudigaas, in qaybinta gargaarkaas ay meel wanaagsan wax u marayaan mar dhawna ay rajeynayaan in la qaadi doona sidii loo qaybin lahaa Raashiinka deeqda ah.

Dowladda KMG waxaa hada gacanta ay ku haysaa mucaawino raashiin ah oo ay soo dirtay dowladda Isugutaga Imaaraadka Carabta (UAE), hase yeeshee Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG wuxuu  mar sii horaysay sheegay in aysan ku filneen deeqdaas in loo qeybiyo dadka abaaraha ay ku habsadeen lana sugayo gargaar kale.

Sidaas darteed marka loo eego heerka xaaladda Abaaraha ay gaarsiisan tahay waxaan la ogaaday inay dadka sugi karin in la uruuriyo deeqaha ka imaanaya dibadaha, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad ugu baahan, waxaana la gartay  in si degdeg ah wax looga qabto.

Si kasta ha ahaatee gudiga gargaarka bini’aadanimada ee Baarlamaanka dowladda KMG wux uu sheegay inuu ka shaqeynayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qeybin lahaa Raashiinkaas dadka dhibaataysan mucaawinada hada ay gacanta ku hayso dowladda.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: