Advertisements

Dawladda Uganda oo muujisay awoodeeda ciidan, iyadoo Askar cusub u soo dirtay dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Dawlada Uganda ayaa muujisay awoodeeda ciidan, iyadoo Ciidamo cusub oo hor leh oo gaaraya 1,800 askari u soo dirtay dalka Soomaaliya, Ciidamadaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho kadib markii ay diyaarad Military loogu soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Entebbe, waxayna ku biirayaan ciidamada Miidawga AfriKa ee Soomaaliya jooga ee AMISOM, sidaas waxaa Warbaahinta u caddeeyey saraakiil u hadashay wasaaradda difaaca dalka Uganda.

Gen. Katumba Wamala oo ah Taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Entebbe Warbaahinta kula hadlay, wuxuuna sheegay in ciidamadaan ay ku biirinayaan ciidamadooda jooga dalka Soomaaliya ee taageeradda siiya dawlada KMG Soomaaliya oo dagaalo kula jirta dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.

Sida uu sheegay Taliyuhu in ciidamadaan ay tago doonaan Safafka hore aagagga ay dagaaladu ka socdaan ee ka jira magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa uu ku daray inay rajeynayaan in ciidamadaan wax ka badalaan amaanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gen. Wamala wuxuu sheegay in la kordhiyay mushaarka ciidamada AMISOM oo la gaarsiiyay 750 Dollarka Mareykanka ah in askarigiiba la siinayo.

The daily Monitor oo ah Wargeyska ka soo baxa dalka Uganda ayaa ku waramaya inay jiraan ciidamo kale oo ka tirsan Uganda oo tababaro hadda u socdaan kuwaasoo la qorsheynayo in dhawaan Soomaaliya loo soo diri doono.

Hase yeeshee Diyaaradii ciidamadaan keenyay ayaa la sheegay inay qaaday dhaawaca 83 askari oo Ugandees ah oo ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho iyo meydadka 10 kale sidaas waxaa lagu qoray wargeyska The Daily Monitor.

SomaliSwiss   Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: