Advertisements

Augustine Mahiga oo sheegay in waqtiga dowladda KMG Soomaaliya uu ku egyahay bisha 8-aad ee sanadkan.

Halkaan ka akhri

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsn arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in waqtiga dowladda KMG Soomaaliya uu ka haray wax kayar 7 bilood,  dhinaca kale wuxuu sheegay in shir arintaasi looga hadlayo lagu qaban doono Ethiopia.

Sidoo kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Augustine Mahiga ayaa waxaa lagu sheegay in bisha August ee soo socota uu ku egyahay waqtiga dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo sidoo kale warsaxaafadeedka lagu xusay in arintaasi kulan ay ka yeelanayaan maalmaha soo socda Madaxda qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Dhanka kale Mahiga ayaa sheegay in shir madaxeed ka dhici doona Addis ababa Maalmaha soo socda islamarkaana bar bar socda kulan magaaladaasi ay ku yeelanayaan ururka Midowga afrika looga hadli doono sida laga yeelayo waqtiga u harsan dowladda KMG iyo qaabka looga arinsan karo aayaha dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in shir looga hadlayo waqtiga gabaabsiga ah ee u haray dowladda KMG Soomaaliya, kaasoo ay Madaxda qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga afrika ay ku yeelanayaan Maalmaha soo socda Addis Ababa ayaa waxaa ka qeyb gali doona Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-moon iyo Gudoomiyaha ururka Midowga afrika Jean Ping.

“Dowladda Waxaa u harsan waqti yar, waxaana laga doonayaa inay soo bandhigto sida ay la tahay in ay wax u dhacaan, dhibaato ayaa heysata shacabka Soomaaliyeed, waa in laga fikiraa sidii Soomaaliya looga saari lahaa Xaaladda kumeel gaarka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Mahiga.

Si kasta arrinta ha ahaatee ugu dambeyntii waxaa ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya wuxuu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaalidu ay dhexdooda ka tashadaan aayaha dalkooda, sidoo kale Ergeyga wuxuu xusay in haatan la joogo xiligii Soomaaliya ay nabad noqon laheyd.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: