Sargaal sare oo katirsan Ahlu Sunna oo sheegay in ay ku dileen duleedka Guri Ceel saraakiil iyo maleeshiyo Al-Shabaab ah.

Halkaan ka akhri

Warar kala duwan ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo la isku adeesaday hubka noocyadiisa kala gadisan uu  ka dhacay deegaanka Waro-dhuuma leh oo ka tirsan degmada Guri-ceel ee goballka Galgaduud, dagaalkaas oo u dhaxeyay ciidamo katirsan Ahlu Sunna Waljamca Iyo Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa la sheegay  inuu qarxay galinkii dembe ee Shalay wuxuuna soo gaaray ilaa iyo fiidnimadii xalay waxayna isku adeegsadeen dhamaan hub-ka noocyadiisa kala duwan, hase ahaatee  dagaallkaasi wuxuu saameyn ku yeeshay dadka reer miiga ah ee ku dhaqan deegaannada dirirtu ka dhacday.

Waxaa ilaa haatan aan la ogeyn khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallka ayaa haddana marka la eego baaxada uu lahaa iyo waqtiga uu qaatay waxaa la rumeysan yahay in uu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay iyo dadka rayidka ah intaba.

Hase yeeshee Afhayeen u hadllay Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in dagaallkii maalintii shalay dhacay uu ahaa mid ay iyagu ku qaadeen fariismo xoogagga Al-Shabaab ay ku lahaayeen goobaha lagu dagaallamay, isaga oo dhinaca kal guul ka sheegtay dagaallkaasi.

Dhanka  kale War naga soo gaaray isla Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in cxalay saq dhexe uu qarxay dagaal xoog badan kaasi oo ka socanayay dhulka miyiga ah ee Degmada Guri Ceel ee Gobolka Galgaduud.

Sheekh C/risaaq Max’ed Cali Ashcari oo sargaal ahlu sunnah ah ayaa shaaca ka qaaday in ay laayeen saraakiil iyo maleeshiyo shabaab ah oo dagaalkaasi xalay lagula galay duleedka Guri Ceel.

Ahlu Sunnah ayaa waxa ay sheegtay in maydad saraakiil can ah ay hada haayaan islamarkaan saxaafada ay u bandhigayaan balse ay jiraan qasaara dhankooda ka soo gaaray dagaalka ka dhacay dhulkaasi.

Xaalada ayaa weli kacsan faahfaahin dheeraad ahna way soo baxaysaa xilli walba wallow Al-Shabaab dhankooda aan wax hadal ah laga haynin mararka qaarna rasaasta laga maqlayo dhulka miyiga ah.

SomaliSwiss Dhuusamareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: