Maamaul goboleedka Puntland oo Qiil u sameeyay go’aankii ay uga mamnuucday dowladda KMG in ay tagaan Puntland.

Halkaan ka akhri

War ka soo yeeray Mas’uul la tirsan Maamaul goboleedka Putland ayaa wuxuu qiil u sameeyey ujeedada Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ay uga mamnuuceen inay tagaan deeganada iyo degmooyinka ay Mamaulaan

Mudane Burhaan Cilmi Xirsi oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha ee Maamul goboleedka Putland  ayaa shalay  qaar ka mid ah warbaahinta war siiyey, wuxuuna faah faahin ka bixiyay  ujeedka Mamaul goboleedka Putland ay uga mamnuuceen xubnaha dowladda KMG Soomaaliya deegaanada iyo degmooyinka ay Putland Maamusho.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in ujeedada Maamul goboleedka Puntland ay ugu mamnuucday ay tahay, kadib markii ay ku guul daraysatay dowladda KMG Soomaaliya dib u hishiisiintii, isagoo sidoo kale tilmamay in dhowr axdi oo ay wada galeen Maamul goboleedka Puntland iyo dowladda KMG, ay fulin waysay dowladda.

Hase yeeshee Maamul goboleedka Puntland ayaa kol horey waxaa ay mamnuuceen imaatinka xunbaha dowladda KMG Soomaaliya ee deegaanada iyo degmooyinka ay ka taliyaan, waxaana jirin ilaa iyo iminka Mas’uul ka tirsan dowladda KMG oo ka hadlay arintaasi marka laga reebo Ra’iisul wasaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo isaga sheegay inay xiriir leeyihiin Madaxweyne Faroole.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: