Halkaan ka akhri
Waxaa lagu soo warramayaa in Kooxo burcad badeed Soomaalida ah ay gacanta ku kala dhigay Markab laga leeyahay dalka Jarmalka iyo Dooni laga leeyahay dalka Yeman, dhinaca kale dowladda Koofur Kuuriya waxay sheegtay inay Maxkmad soo taagayso 5-burcad badeed Soomaali ah.
War ay sii deysay Wakaaladda wararka eeJasiiradda Seychelles ayaa sheegtay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay gacanta ku dhigeen Markab laga leeyahay wadanka Jarmalka oo lagu magacaabo MV- Beluga.
Kooxda burcad badeeda ah ayaa la sheegay in ay Markabkan ka soo qabteen meel 100-KM masaafo ahaan u jirta Jasiiradda Seychelles, iyadoo la tilmamaay in Markabkaasi ay la socdeen 12-badmaaxe yaal ah oo u kala dhashay dalalka Ukraine, Russia, Philippines iyo Poland.
Sida ay sheegtay Wasaaradda arimaha dibadda ee Jasiiradda Seychelles in kooxda burcad badeeda Soomaalida ay weerarooda balaaran yihiin, marka loo eego sanadkii tagay ee 2010-ka, iyadoo la sheegay in Markabkaasi loola soo dhaqaaqay dhinac xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga Koofurta Kuuriya ayaa sheegtay in saacadaha soo aadan 5-ka mid ah burcad badeeda Soomaalida islamarkaana lagu soo qabtay howlgal Milatari oo lagu dilay 8-burcad badeed Soomaali ah lagu wado in Maxkamad lasoo taago.
Dhanka kale wararka burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah in dooni kaluumaysi ah  ay ka afduubteen Biyaha badda dalka Yemen, iyadoo aan la garanayn halka ay doontaas ula dhaqaaqeen, balse waxaa la sheegay in doontan kaluumaysiga ah  laga lahaa dalka Yemen  la soo afduubtay xili ay ka jilaabanaysay xeebaha gobolka Bincali oo Koofur kaga beegan gobolka Shabwa.
Wakaaladda wararka ee Saba ayaa warkaas shaacisay waxayna qortay in burcad badeeda Soomaalida ay ku fureen rasaas farabadan, kadibna raggii watay doontaas ay is dhiibeen iyagoo ka kalluumaysanaya meel ka fog xeebaha Soomaaliya, hase ahaatee Kabtanka doonidaasi oo lagu magacaabo Xasan Cali iyo shaqaalihii saaarnaa oo ka koobnaa ilaa 6-qof lagu soo waramayaa in burcad badeeda an la’ogayn halka ay ula dhaqaaqeen.
Si kasta ha ahaatee Burcad badeeda Soomaalida ayaa maalintii shalay ku goodiyay in ay gubi doonaan muwaadiniinta ama shaqaalaha u dhashay dalka Koofur Kuuriya iyo Markabkooda hadii ay soo afduubtaan aysan waydiisan doonin lacago madax furaasho ah.
SomaliSwiss Nairobi & Sanca
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.