Advertisements

Heshiiskii Shirkadda Saracen iyo dowladda KMG oo cadaadis weyn ka dib laga noqonayo.

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG ah ayaa ka fiirsanaysa, heshiiskii ay hore ula gashay shirkadda SARACEN international oo la sheegay inay u tababarayso ciidamo, hase yeeshee shaki aad u tiro badan iyo warbixinno aan qurxooneyn oo lahelay markii shirkadda lala heshiiyay ka dib ayaa dowladda KMG ah ku riixaya inay go’aan ka gaarto shirkaddaas.

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa ka dhawaajiyay u badan tahay in dowladiisa ay ka bixi doonto heshiiska ay la gashay shirkadda amni ee Saracen International oo sidoo kale ay ku lug lee yihiin aas aasaha Blackwater.

“waqtigan la joogo, fikradaha aan ururineyno waxa ay muujinayaan in tani aysan ahayn wax wanaagsan” ayuu yiri Cabdikraiim Jaamac oo hadalkiisa ku daray “ma dooneyno waxa ay shaqo ku leedahay Blackwater.”

Go’aanka dowladda ayaa yimid ka dib qaylo dhaan ka timid dhinac kasta oo ka mid Soomaalida iyo markii dhowaan Midowga Africa uu shaaca ka qaaday in Eric Prince oo ah aas aasaha Blackwater uu yahay ninka lacagta loo soo marinayo Saracen, islamarkaana ku jira maamulka sare ee qorshahan, ayaa qaar ka mid deeq bixiyayaasha oo Mareykanka uu ku jiro waxa ay su’aalo ka keeneyn ujeedada heshiiskan.

Cabdikariim ayaa xusay in uu jiro qorshe xukuumadda Farmaajo warbixin kama dambeys ah uga soo saari doonto shirkaddaas toddobaadkan loona gudbin doono Baarlamanka, islaamarkaana ay u eg tahay in lasoo afjari doono heshiiska Saracen lala galay.

Ma uusan shegin inay heshiiskaas ka baxayaan haddii baarlamaanku ansixi waayo ka dib ama haddii ay u qorshaysan tahay inay baarlamaanka horgeeyaan go’aan ay gaareen oo ah inay ka baxeen heshiiskaas.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: