Advertisements

Dowladda Norway oo Shatigii shaqada ka ceshatay shirkadda Clear Ocean oo heshiis la gashay dowaladda KMG ah.

Halkaan ka akhri

Dowladda Norway ayaa joojisay qandaraaskii Soomaaliya loogu dhoofin lahaa markabka militeri ee KNM Horten ee laga iibiyey shirkad si gaar loo leeyahay ee heshiiska la gashay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah, waxaa sidaas lagu caddeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

“Waxaa is bedeley sababtii asaaska markii hore looga dhigay qandaraaska. Norway alaab iyo adeeg militari uma dhoofin karto meel colaadi ka jirto,” sidaas waxaa yiri wasiirka Arrimaha dibadda ee Norway,  Jonas Gahr Støre..


Warku waxa uu xusay in Markabka militariga Norway ee KNM Horten laga iibiyey shirkadda Clear Ocean oo markaas sheegtay in waxa keliya oo markabka loo adeegsan doono ay tahay arrimo madani ah (in ay ilaalinayso kalluumaysiga Soomaaliya). Waxaa taas ka dambeeyey in Wasaaradda Arrimaha Dibadda hadda lasiiyey akhbaar cusub. Taas oo ah in shirkaddu ay qorshaynayso in markabka hubayso si ay adeeg la xiriira xagga amaanka uga fuliso xeebaha Soomaaliya, arrintaas oo u baahan laysanka dhoofinta. Sidaas ayaa lagu joojiyey laysankii ayaa warbixintu tibaaxday.

Waxaa jira warar laga helay xubno sare ku sugan Norway oo tibaaxaya in heshiiska Shirkadda reer Norway ee labaxday Clear Ocean uu la soo saxiixday mid kamid ah lataliyaasha gaarka ah (hadda) ee madaxweynaha DFKMG, oo xilligaas ahaa wasiir, safarrona ku tegey Norway intii u dhaxaysey 2009-2010.

Soomaalida Norway ayaa ka dhiidhiday in shirkad gaar loo yahay oo heshiis la gasho saasi lagu eedeeyo musuqmaasuq gacanta loo geliyo illaalinta iyo maareynta kheyraadka badda ee bulshadda Soomaaliyeed u dhexeeya. Waxayna hadda soo dhaweeyeen go’aanka cusub Norway.

Shirdon M. Abdikarim oo tirsan jaaliyadda Soomaalida Norway oo 19-kii Janaayo 2011 warsaxaafadeed ka soo saaray qandaraaskaas, isla markaasna xiriir la sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ayaa tibaaxay sida ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway u diiday yihiin qandaraaskaas..

SomaliSwiss  News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: